Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Oo Qaab Cusub U Fasiray Ginbot 20 Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Taliskii Dhergiga

Addis Ababa (JO) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hambalyo u diray shacabka xilli maanta dalkaas laga maamusayo xuska 20 guuradii kasoo wareegtay markii xilka laga tuuray dowladdii Derg ee uu hogaaminayay Mengistu Haile Mariam, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fana.

Abiy Axmed wuxuu sheegay ‘in xuska maalinta Ginbot 20 ay kamid tahay maalmihi wax ka baddalay taariikhada Itoobiyada cusub”

“Dagaalyahano dhowr ah ayaa naftooda u huray sidii Itoobiya ay ku noqon laheyd goob dimuqraadi ah, caddaalada ah iyo nabadda si loo joojiyo caddaalad darrada isla markaana loo ambaqaado dhabaha sinnaanta, qaranimo laga mideysan yahay iyo barwaaqo” ayuu yri Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

“Waa in aan xusnaa maalintan si aan horey ugu soconno aan u qiimeyno wixii horraan dhacay balse ma ahan in lagu dhaganaado guulihii la gaaray maalinkii Ginbot 20”

Dagaalkii Jabahadeysnaa ee xilka looga tuuray Mengistu waxaa hoggaaminayey Melse Zenaawi.

Jabhadaha dowladdi militariga uu Mengistu hoggaaminayey waxaa qayb ka ahaa jabhada ay leeyihiin Soomaalida dalkaasi Itoobiya.

Mengistana waxaa si weyn looga xusuustaa dagaalkii 1977 uu la galay dowladdi Soomaaliya uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Be the first to comment