Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Oo Hadallo Isburinaya Ka Sheegay Madal Uu Ka Hadlay, Si Adagna U Diiday In Mushaharka Loo Kordhiyo Shaqaalaha Dawladda

Addis Ababa (JigjigaOnline) –  Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa hadallo iska hor imanaya ka sheegay madal uu qudbad ka jeedinayey.

Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in dalkiisu uu koboc dhaqaale sameeyey sannadkan dhamaadka ah, gaar ahaan dalxiisa oo gaadhay halkii ugu sarraysay iyo lacago qalaad oo badan oo ay kaydsatay dawladdu.

Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah wakiilladaha shaqaalaha waaxda beeraha iyo xoolaha ayaa tilmaamay in sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay ay kordheen dalxiiseyaasha imanaya Itoobiya, kuwaas oo 4% ka badan sannadkii hore.

Dr. Abiy waxa kale oo uu tilmaamay in dhaqaalaha guud ee dalka Itoobiya uu si xawli ah sare ugu kacay oo dakhli badan usoo xerooday dalka, taas oo uu raaciyey in sarrif qalaad oo aanay waligeed Itoobiya helin inay soo xareeyeen.

Intaas kaddib ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa la weydiiyey haddii ay dawladdu qorshaynayso inay lacagta u kordhiso shaqaalaha, waxaana uu ku jawaabay in dalku aanu haysanin lacag, ayna la dhibaatoonayaan bixinta mushaharooyinka hadda ee shaqaalaha dawladda.

“Ilmaha yari, hooyadii caano ama cunto ma weydiisto mar uu ogyahay in guriga aanay oollin, balse wuu ooyaa. Waxaan la yaabanahay cidda uu yahay shaqsiga xilligan mushahar kordhin u cadhoonaya xilli aan la daalaadhacayno bixinta mushaharkii hore. Ma Kenyan baa, ma Ereteriyan baa mise waa Itoobiyaan?” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaruhu.

Si kastaba ha ahaatee, Dr. Abiy Ahmed oo qaybta hore ee hadalkiisa ku faanay lacag iyo dhaqaale badan oo dalku helay, ayaa haddana dhinac dambe sheegay inay la dhibaatoonayaan bixinta mushaharooyinkii hore, iyadoo uu si dadbanna u tilmaamay in aanay haynin lacag.