Qalfoofka daayeer la yidhi waa hubaal in aadamuhu ka tafiirmay oo la halay

Cilmi baadheyaal ayaa Itoobiya ka helay qalfoof madax dad oo aan wax badani ka maqnayn oo u eeg noole daayeer u eeg oo ay aadamuhu ka soo tafiirmeen.

Baadhitaanka qalfoonkan la helay wuxu dood gelinayaa aragtiyo laga qabay sida aadamihii hore uga tafiirmeen noolahaa daayeerka u ekaa.

Aragtida haatan la qabo ee ah in daayeer qalfoofkiisa loo bixiyey Lucy uu ka mid ahaa noocyadii aadamihii hore ka farcameen, ayay suurto gal tahay in dib loogu noqdo.

Warka qalfoonkan la helay waxa baahisay majallada Journal Nature.

Qalfoofkaa madaxa ah waxa ka helay meel la yidhaa Miro Dora oo ku taal degmada Mille ee gobolka Canfarta, borofesoor Yohannes Haile-Selassie.

Saynisyahankaas oo la shaqeeya Matxafka Taariikhda Dabeecadda ee Cleveland ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in uu isla markiiba garawsaday muhiimadda qalfoofkaasi leeyahay.

” Alla hayaay ayaan idhi anoo isla hadlaya oo waxaan idhi toloow waxan aan isleedahay waad aragtaa ma yahay waxan aad aragtaa?…. isla markiiba farxad baan la bood booday waana markii aan gartay in waxan aan helay yahay wax aan weligayba ku riyoon jiray.” Ayuu BBC-da ku yidhi.

Borofesoor Haile-Salassie wuxu sheegay in muunadan la helay tahay tusaalaha ugu fiican ee ilaa haatan loo hayo in aadamuhu ka soo farcameen noole daayeerka u ekaa oo la yidhaa Australopithecus anamensis, oo ah nooca ugu da’da weyn australopithecine inta la ogyahay oo noociisu jiray qiyaastii 4.2 milyan oo sannadood ka hor.

Waxa loo haystay in A. anamensis yahay nooc kaa markii dambe ka farcamay oo ka garaad badnaa oo la yidhaa Australopithecus afarensis, oo markii dambe noqday ka loo haysto in ay toos uga soo tafiirmeen aadamihii hore ee loo yaqaan Homo kana mid yihiin aadamaha maanta nooli. Cilmi baadheyaal ayaa Itoobiya ka helay qalfoof madax dad oo aan wax badani ka maqnayn oo u eeg noole daayeer u eeg oo ay aadamuhu ka soo tafiirmeen.

Markii la helay qalfoonkii ugu horeeyey ee nooca afarensis sannadkii 1974 aad baa loola dhacay, waxaanay cilmi baadhayaashii helay u bixiyeen Lucy oo ah hees ay qaadi jireen kooxda Beatles oo ah Lucy in the Sky With Diamonds, oo ay dhagaysanayeen markii goobta laga halay la qodayey.

Iyadoo lagu faraxsanyahay ayaa lagu sheegay “daayeerkii u horeeyey ee laba lugood ku socda” waxaana Lucy warkeedu wada gaadhay dadka. Laakiin borofesoor Fred Spoor oo ka tirsan Matxafka Taariikhda Dabeecadda London oo faallo ka qoray ayaa yidhi anamensis “waxaa la moodaa inuu noqon doono muunad lala dhaco oo muujinaysa koboca aadanaha”.

Sababta sidaa qiimaha qalfoonkaa kor loogu qaadayna waxan odhan karnaa waxa weeyi in anamensis iyo afarensis ay muddo ka dib isku milmeen. Sidii markii hore loo haystay ka hore si toosa uma uu noqon ka dambe.

Fahankani wuxu ka soo baxay dib u macnaynta ah in qalfoofkan cusubi leeyahay astaamo la mid ah qolfookan jiray 3.9 milyan ee sano ka hor ee haatan la helay. Qalfoonkaa la helay ayaa lagu sidkay anamensis. Saynisyahannadu waxay haatan arki karaan hadhaaga rasmiga ah ee ka sii jira afarensis taas oo da’da noocan ka dhigaysa mid aad u fog.

Waxa haatan cad in labada nooc ay mar wada noolaan jireen ugu yaraan 100,000 oo sannadood.

Siday u badantahay waxa dhacay waxa weeyi in koox yar oo ka mid ah anamensis ay go’doon ka gashay bulshadeedii muddo dheer ka dibna isku rogtay afarensis sababtuna tahay sida ay u qabatimeen duruufihii jiray. Labada nooc muddo dheer bay is gaadhi jireen intaan hadhaaga anamensis dabar go’in.

Qalfoonkan cusub ee la helay waa muhiim sababta oo ah waxa uu muujinayaa in ay dhici karto in ay marar badan isa soo gaadheen noole daayeer oo kale ah laakiin ka garaad badani, waxaanu sii kordhinayaa suurtogalnimada qaababka badan ee ay dhici karto in aadamihii hore ku kobcay.

Hadii la soo koobo, in kasta oo qalfoonkan la helay aanu meesha ka saarayn in Lucy isirkeeda ay ka soo farcameen nooca Homo, wuxu su’aal gelinayaa noocyo dhawaan loo magac bixiyey. Borofesoor Haile-Selassie ayaa wuxu aqbalay in haatan “noocyadii kale oo dhan meesha laga saaro”oo aanay noqonayn nooca aadamuhu ka soo tafiirmay.

“Muddo dheer ayaa afarensis loo haystay inuu yahay ka ugu dhaw ee awowgeen noqon kara, laakiin hadda aragtidaasi way isbedeshay. Qofna isku daalin maayo noocyadii hore loo yaqaanay oo odhan maayo keebaa tolow aadamihii hore ka farcameen” ayuu yidhi.

Erayga ” isma haystaan” ayaa cilmi baadheyaasha aasaarta madax xanuun ku rida markay maqlaan, gaar ahaan markay weliba warfidiyeenku u adeegsadaan in ay ku tilmaamaan qolfoof aadame oo daayeer u eeg ama badhkii aadame yahay.

Run ahaantii Dr Henry Gee, oo ah tifaftire ka tirsan majalladda Nature ayaa mar wacad ku maray ba “beerkayga la soo bax oo basal iyo faasuuliye ku shiilo, koob khamri ahna iskaga deji” hadii marka aan wax ka qorayo arimahan oo kale wixii hore soo xigto.

Waxa jira sababo badan oo loo aanayn karo cadhada Henry, laakiin waxa ugu weyn in la qiro in ay jiraan noocyo kala duwan oo ku xidhiidhsan silsiladda koboca aadanaha oo badankooda hadii aanay gebigood ba ahayn.

Anamensis waa kii ugu dambeeyey qolfoofyo badan oo la haley oo muujinaya in aanay jirin silsilad toos ah oo muujinaysa faraca aadanaha.

Xaqiiqadu way ka sii kakantahay sida loo haysto kana xiiso badan. Waxay muujinaysaa waayaha koboc “isku deyaya” arimo kala duwan oo ah “qaabab” kala duwan oo lagu helay halka aadaumu ka soo tafiirmay oo meelo kala duwan laga halay, qaarkoodna ay ahaayeen noocyo adkaysi badan oo garaad badan oo ka doogay cadaadisyo badan oo ay ku keeneen isbedelladii cimilada, deegaanka iyo cunto yaraan jirtay, ilaa ay noqdeen nooca aynu haatan nahay.

Borofesoor Haile-Selassie wuxu ka mid yahay saynisyahannada faro ku tirska ah ee Afrikaanka ah ee baadhaya koboca aadanaha. Haatan magaciisu wuu meel maray laakiin wuxu leeyahay way ku adagtahay in cilmibaadhayaasha aqoonta leh ee Afrikaanka ahi ay taakulayn maaliyadeed ka helaan xarumaha reer galbeedka ee cilmi baadhista maalgeliya.

“Caddaymaha qalfoofka ah ee muujinaya asalka aadanaha waxa laga halay Afrika waxaanan rumaysanahay in ay haboontahay in ay aqoonyahanka Afrikaanka ahi dhaqaale gaar ah ka helaan qaaradooda oo ay horumariyaan cilmi baadhista palaeoanthropology. Caqabada keliya ee cilmi baadhista noocaas ah ka hortaagani run ahaantii waa dhaqaale.” Ayuu yidhi.