Puntland Oo Maleegaysa Shirqool Lagu Burburinayo Soomaaliya & Warqad Kasoo Baxday Baarlamaanka Oo Caddaysay

Muqdisho (JO) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku hawlan burburinta Somaliya oo marka horeba ay kasii socotay Somaliland oo madax-bannaani ku dhawaaqday soddon sannadood ka hor, isla markaana ictiraaf ka sugaysa Beesha Caalamka.

Puntland ayaa ku dhawaaqday in aanay ka qayb-geli doonin kulamada lagaga tashanayo doorashada Madaxtinimada ee Somaliya oo toddoba bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin, waxaanay ku doodeen in Madaxweyne Farmaajo uu ka garws-adaygay arrinta oo uu kaliya ka shaqaynayo sidii waqtiga loogu kordhin lahaa.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa loogu baaqay Madaxweynaha Maamul Goboleedkaas, Siciid Cabdillaahi Deni in aanu ka qayb-gelin kulanka maamul goboleedyada ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu horay ugu baaqay, waxaanay raaciyeen inay aayahooda ka tashan doonaan oo ay gaar u istaagi doonaan inta la xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee Somaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha wakiilada ee Puntland ayaa lagu xusay inay ka soo horjeedan tallaabooyin ay ku tilmaameen inay yihiin kuwa “sharci darra ” ah oo ay qaadeen baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya sida dhamaystirka xeerarka doorashooyinka Qaranka iyo hadal jeedintii Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Qodobka 13aad ee qoraalka baarlamaanku soo saaray, ayaa lagu caddeeyey in Puntland qaadayso tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland, waxaana sharraxaad kasii bixiyey qodobka Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka dawlad goboleedka Puntland oo sheegay in tafsiirkiisa qodobkani ka dhigan yahay in xataa gooni isu-taag la geli karo inta la xallinayo khilaafyada Somaliya.

Halkan ka akhriso qoraalka Baarlamaanku u diray Madaxweyne Deni