Puntland oo Cod dheer ku Sheegatay Deegaanno Somaliland ka tirsan

Garowe (Jigjigaonline) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa si cad mar kale u sheegtay deegaanno Somaliland ka tirsan oo horena muran uga taagnaa, marar kala duwanna dagaallo ku dhexmareen Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed-Karaash oo xalay ka hadlay xuska 21-guurada aasaaskii Puntland, ayaa sheegay inay Puntland iska leedahay gobollada Sool, Sanaag-bari iyo Cayn oo uu xusay inay gacanta maamulkiisa xoog kaga maqan yihiin deegaannadaasi.

Axmed-karaaash oo arrimahaas iyo kuwo kale ka hadlaya, waxaannu warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan: