Jigjiga (JigjigaOnline) – Jabhadda Xoreynta Ogaadeniya ee ONLF ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeedhay madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, kaas oo ugu sheegay inay ceeb tahay in ururkoodu uu hoy u noqdo dambiileyaashii dhibaatada u geystay shacabka oo xilligan sababo qabyaaladaysan u qaatay calanka ONLF.
Hadalkan oo uu madaxweynuhu ka jeediyey xuska sannad-guuradii 35aad ee aasaaska ONLF oo lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa waxa jawaab ka bixiyey lataliyaha guud ee Guddoomiyaha ONLF Gen. Cabdillaahi Mukhtaar oo u warramay telefishanka SRTV.
Gen. Cabdillaahi Mukhtaar waxa uu sheegay in ururkoodu aanu gabbaad u noqon doonin dadkii dembiyada ka galay dadka, isla markaana aanay ONLF ka mid noqon doonin.
Halkan ka daawo Cabdillaahi Mukhtaar oo ka jawaabaya hadalkii madaxweynaha
Be the first to comment
You must log in to post a comment.