ONLF: Go’aamada Qaldan Ee Uu Qaatay, Rajadii Laga Qabay Ee Uu Gacantiisa Ku Gowracay Iyo Fashilka Siyaasadeed Ee Toddobaadkan Ku Dhacay

Godey (JigjigaOnline) – Soddonkii sannadood ee ugu dambeeyey, bulshada Soomaalida ee ku dhaqan DDS, waxay la daalaa-dhacayeen dhibaatooyin badan oo la xidhiidha nolosha aasaasiga, wax-qabad la’aan iyo in ay ku hoos jireen gacmo aan lexejeclo ka lahayn oo aan arxan u gelin.

Soomaalida oo ah qowmiyadda saddexaad ee ugu dadka badan Itoobiya, sidoo kelna haysata dhulka ugu weyn, ayaa waxa muddadaas ay ka madhnaayeen isku-duubni iyo inay hal meel kasoo wada jeedsadaan iyagoo midaynaya aragtiyahoodii baahsanaa si Itoobiya-da kale ay wax ula qaybsadaan, isla markaana ay uga helaan saamigii ay xaqa u lahaayeen ee laga duudsiiyey, gaar ahaan dhinacyada wax-qabadka, siyaasadda, waxbarashada iyo dhinac walba oo nolosha ah.

Yididiiladii ugu horreysay deegaanka ka dhalatay sannad ka hor markii isbeddelku dhacay, xilligaas oo hannaan dimuquraadiyadeed loo ruqaansaday.

Soomaalinimo buuxda ayaa laga dareemay, waxaana Madaxweyne Mustafe uu si buuxda ugu dhawaaqay in dhibaatooyinkii shacabka haystay soddonkaas sannadood ay ahaayeen kuwo ay keeneen tafaraaruq, balse doorkan ay xukuumadda ka go’an tahay in Soomaalinimo wax lagu doono, sida kaliya ee wax lagu noqon karo amaba bulshooyinka kale wax lagula qaybsan karaana ay tahay in magaca Soomaalinimo wax lagu doono.

“Waxa kaliya ee aan ku badbaadi karnaa Soomaalinimada, laga yaabaa in goldaloolooyin laga arko dhacdooyinka aan maalin walba qabanayno, laakiin barnaamijka Soomaalinimadu midho-dhal weeyaan. Barnaamijkaa Soomaalinimada mid aan ahayn oo dalkeena iyo deegaankeenna aan ku badbaadi karnaana maanta ma jiro.” Ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe.

Hadalkani waxa uu ka turjumayaa fikirka kaliya ee deegaankeenna midayn karaya ee ah in laysku duubnaado, qabyaalladduna tahay aafo bulshada kala-fogeyn karta oo ay tahay in laga digtoonaado.

Marka uu Madaxweynuhu hadalkan jeedinayey, waxa dhinaca kale ay bulshadu u dheg-taagaysay shirka ururka ONLF uga socda magaalada Godey, kaas oo mar kaliya wax lala yaabay ay kasoo yeedheen.

ONLF ayaa waxay shirkaas ku ansixiyeen arrin sharciga deegaanka iyo dalkaba baalmarsan, isla markaana kala fogeynaysa shacabka DDS oo ah meesha kaliya ee ay Soomaali oo dhan (qabiil walba) deggan tahay. ONLF waxay caddeeyeen in magaca Dawladda Deegaanka Soomaalida ay iyagu ula baxeen ‘Dhulka Ogaadeeniya’, taas oo amakaag ku ridday bulshada.

In dhulka Soomaali oo dhan ay deggan tahay uu ururka ONLF oo damac siyaasadeed iyo mansabyo ba ka doonaya dalka iyo deegaanka, in uu magac qabiil ula baxo dhulka Dawladda Deegaanka Soomaalida, waxay caddaynaysaa in hab-qabiil uu sees u yahay ururkaas, isla markaana uu kala-fogeynta iyo kala-qoqobka shacanka ka shaqaynayo.

Marka ONLF ay DDS ula baxayso Dhulka Ogaadeeniya, ma waxay ilowsan yihiin in qabiil walba oo Soomaaliyeed uu deggan yahay dalkan? Mise waxay u haystaan in dhamaan dadkuba ay yihiin halkaas qabiil?

Si kale marka loo eego, ma jiro reer ay Soomaali oo dhan ku abtirsato, laakiin reeraha oo dhan waxay ku abtirsadaan Soomaali, halkaas oo ah hadhka kaliya ee la wada hoos geli karayo ee dadka wada deeqaya.

Si kastaba ha ahaatee, ONFL waxa waqtigan looga fadhiyey inay ka shaqayso midaynta astaanta shacabka, xoojinta Soomaalinimada, ladagaallanka qabyaaladda iyo inay la yimaaddaan aragti hufan oo dadka jihayn karta, laakiin taas beddelkeeda waxay taageereyaashoodii ku rideen jaho-wareer cusub oo sabab u noqon karaya in cid walba ay dib uga istaagto.