Odhaahda Maanta: Saddex Xilli Oo Kala Duwan Iyo Saddex Xeelad-Siyaasadeed Ee Dhallinta DDS

WQ: Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble

Jigjiga (JO) – Qormadan iyo kuwo kale oo si taxane ah uu usoo saaro aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble, waxa Jigjiga Online ay usoo gudbin doontaa si joogto ah, iyadoo aan waxna laga beddelin waxna lagu darin.

Qoramadan maanta oo cinwaankeedu yahay: “SADDEX XILI OO KALA DUWAN IYO SADEX XEELAD-SIYAASADEED EE DHALINTA DDS”, waxa aqoonyahanku uu ku dul-istaagayaa saddex marxaladood oo illaa xilligii gumaysiga ahaa oo ay soo mareen dhallinayarada deegaanku, kuwaas oo kala ahaa waqtiyo duruufahooda leh oo qaarkood si xarrago iyo isku-duubni leh ugaga soo gudbeen, halka markii dambe ee jaajuusnimada iyo kala fogeynta shacabku timidna ay noqotay in qof walba uu dantiisa raacdo.

Waxa kale oo uu aqoonyahanku talooyin wax ku ool ah usoo jeedinayaa Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo Guddoomiyaha ONL, Eng. Maaday.

Halkan ka akhriso qormada oo dhamaystiran:

Waa sidee Dhaqan-Siyaasadeedka Dhalinta DDS? Doodahoodu cilmaga, fahamka iyo hurumarinta agenda Soomaaliyeed wax ma ku birinayaa? Deelqaafyada badan ee ka soo butaacaya dhanacyada kala duwan maxay yihiin, sideese loo sharixi karaa?

Dhalinta Soomaali Galbeed saddex xili ayey soo martay: xiligi Boqoq Xayle Selassie, Colonel Mengistu, iyo hadeer oo isla ah EPRDF/TPLF. Saddexdan xili dhalinta Soomaaliyeed xeelado kala duwan ayey adeegsadeen.

Xiligii Boqor Xayle Sellasie dhalintii Soomaaliyeed halgan qurux badan ayey bilaabeen – waa xiligii Gulubka ama SYC iyo SYL. Daraasado iyo wacyi galin ayey qaban jireen. Hase yeeshee wixii ka dambeeyey 1955, markii Reserved Area la wareejiyey, xaalado adag ayaa la soo darsay dhalintii. (1) Itoobiya oo gacan bir ah ku qabatay dhaqdhaqaaqyadii Soomaalida; (2) ciidamo xoogan oo la soo dajiyey deegaanka (militarization of the public space); iyo (3) dhaqanka jaajuusnimada oo la xoojiyey. Waxa Soomaali laga dhex xushay wax loo bixiyey “safa dirays” oo xaafadaha Soomaalida basaasa, umadana kala jabiya.

Dhalintii Soomaalidu waxay nidaamkaasi sadex wajiilaha ah kaga hortagtay waxa uu u Gordon Hayden, oo aad wax uga qoray xeeladaha beeralaydu kaga samata baxdaan dawlad xun oo ah “iskaga bixid ama ka fogaanshu gidi ahaanba dawlada iyo nidaamkeed.” Buugiisa “Beyond Ujamaa in Tanzania: Underdevelopment and an Uncaptured Peasantry,” waxa uu tibaaxayaa xeeladaha beeralaydu isticmassho marka ay arkaan in aanay dawladu u danaynahay.

Sidoo kale, dhalintii Soomaaliyeed ee xiligii Boqor Xaly Selassie waxay xeelad moodeen in ay gidi ahaanba ka fogaadaan nidammkii dawliga ahaa, Xataa barashada Af- Amxaariga ah. Waatii waxa garadkii oo dhani tageen Muqdisho.

Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble

Xiligaa Colonel Mengistu, oon anigu goob joog dhalintaas ka ahaa, xeelad ka duwan kuwii hore ayaanu la nimid. Buug akhris, kobcinta graadka siyaasiga ah, daraasada mabaadi’dii la dagaalanka gunimada iyo xornimodoonka aduunka (revolutionary and liberation theories) ayaanu badinay. Waxaanu dood-cilmiyeed la galnay dhalintii Axmaarada, gaar ahaan dooda ku aadan “self-determination” iyo gooni isutaaga Soomaalida.

Waxaanu dhalinta Axmaarada ee horusocka ahayd wadaagnay akhriska jariiradii mamnuuca ahayd ee “demcracia” oo EPRP si qorsoodi ah u soo saari jirtay.

Waxa bisaylkii siyaasadeed na gaadhsiiyey (1) in aanu qabyaalada la dagaalano; (2) in aanu sida biyaha u qudhqudhino kaabayaasha siyaadadeed oo laga dootamo Itoobiya; (3) in aanu diidno noqoshada bandha ama kuwa dawlada u jaajuusa;  (4) in aanu ku biirno WSLF, Amxaarada horusocodka ahna halganka xalaasha ah ee Soomaali waday ay door ku yeeshaan (dhalin badan oo Axmaaro ah ayaa WSLF ku biirtay).  Si buuxdana 1976 waan giriifnay barnaamij soo baxay oo la yidhi waxa uu ahaa “shaqaalaynta dhalinta Hararge.” Xataa dhawrkii qof ee tagay waa la haadaameeyey.

Al xaasil, hadaf ayaanu lahayn hadafkiina ma dhiman.

Xiligii Malas iyo hadeer xaaladu waa sidee? Cilmi-bulsheedka waxa jira wax la yidhaa “the pathology of the oppressed,” ama dabeecadaha dadka la gumeeyo.” Waxa ka mid ah dabeecadahaas iscun, is xagxagasho, isjaajuus, biidhi qaatanimo, shaqsiyaad sharaf mudan oo la caayo.

Dabeecadahan waxaad inta badan lagu arki dadka madow ee Koonfur Afrika iyo Madowga Mareykanka. Waad ogtihiin dilka, dambiga, iyo dhaca ugu badan ee dalka Mareykanka waxa uu ka dhacaa xaafadaha Modowga. Sidoo kale cayda, dhaleecaynta, iyo jaajuusnimada ugu badani waxay hadeer Itoobiya ka jirtaa DDS.

Siyaasadii Meles iyo TPLF keentay ayey ahayd in dhalinta dhaqan xumaanta aan soo sheegnay lagu ababiyo. Xataa nin mar deegaanka Madexweyne ka soo noqday ayaa ku dootamay in aanay Soomaaliya sheegan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, maadaama uu Itoobiyaan dhalad ah ahaa, waa sida uu hadalka u dhigee. Dhaqanka Meles waxaa dhidibada u aasay Cabdi Muxumad Cumar (Ina-Ilay) oo dhalintii gumeeyey, dhaqano aanaan halka ku sheegi kareyna DDS ku soo talaalay. Welina Dhaqanadaasi foosha-xumi deegaanka kama dhamaan.

Kursiga dawladu marka uu noqdon mid lagu helo jaajuusnimo, marka uu kaligii taliye dadka gumeeyo, marka garaadka dhalintu wiiqmo, marka waxbarasho aan fiicnay ama aan xidido dheer lahayn dhalinta lagu harqiyo, marka uu gaababsi noqdo hadafka fog ee siyaasadeed ee bulshadu lahaan jirtay, dhalintuna waxay xeer ka dhigataa ama xirfad u noqday cay qaawan, dhaleecayn, iyo  been abuur ay ka sameeyaan siyaasiyiinta ama waxgaradka.

Waa waajib in siyaasada lagu kala duwanaado, maadaama dooda ka dhalataa kala duwanaanshuhu ay keeni karto horumar dhinacyo badan leh. Lasman qaar ayaa dawlada raaci kara; kuwo kalena waa mucaarid. Hase ahaatee in had iyo jeer MW Mustafa ay caayaan dhalinta dhinaca mucaaridka u janjeedha, ama madaxda ONLF ay caayaan kuwa dhinaca dawlada u janjeedhaa waa calaamad gumeed iyo bahdilkii lagu sameeyeey bulshada 30kii sano ee u dambeeyey.

Waa naaqusnimo in madaxda had iyo jeer cay ama been abuur loo geysto, xataa hadii aad ku qaldantona in aad dib ula-noqosho leedahay ayaa waajib ah. Waxaad diidantahay sheeg, laakiin kadaa masuuliyiinta cayda.

Madaxda qudhooda xil gaar ah ayaa ka saaran in ay iska fogeeyaan dhalinta dhaqanka xun ee caytanta. MW Mustafa iyo Godoomiye Maadey labaduba waa in ay ka hadlaan dhaqan xumada DDS ku badatay, isla markaana ay meel ugu soo wada  jeestaan cambaaraynta dhaqankan xun ee xiligii EPRDF/TPLF, gaar ahaan xiligii Cabdi Maxamuud Cumar, deegaanka ka hir galiyey.  Waa in barnaamij-siyaasiga xisbiyada lagu dootamaa, cayda iyo been abuurkana laga fogaadaa.

Be the first to comment