Nin maalqabeen ah oo jaamacad ugu deeqay in kabadan 150 milyan oo doolar

London (Jigjigaonline) – Jaamacadda Oxford ee ku taalla UK ayaa aqbashay deeq lacageed oo aad u badan si ay u samayso mac’had cusub oo lagu barto anshaxa caqliga macmalka ah, waa dhaqaalihii ugu badnaa ee mar qura wada socda ee abid loogu deeqo jaamacad dalkaas ku taalla.

Stephen Schwarzman oo ah nin Maraykan ah oo bilyoneer ah ayaa jaamacadda siiyay 150 milyan oo giniga istarliinka ah, ninkaas ayaa lataliyeyaal u soo noqday madaxweyneyaal Maraykan ah oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan kuwaas oo uu ku jiro Donald Trump.

Dhisme cusub oo lagu baranayo culuunta banii’adaminimada ayuu mac’hadkaasi hoy u noqon doonaa.

Koox qareenno Itoobiyaan ah ayaa qorshaynaya in ay dacweeyaan shirkadda kali ah ee internetka bixisa oo dawladdu leedahay oo khadkii jaratay maalintii siddeedaad.

Waxay ku doodeen in arrintani ay ka dhigantahay muwaadiniinta oo laga hor istaagayo xogta, sida uu BBC-da u sheegay qareen Yohannes Enyew.

Khad la’aanta ayaa billaabatay Talaadadii, waxayna saamaysay qaybo badan oo dalkaas ah.

Khadka ayaa Jimcihii u soo noqday magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa, balse waxay u muuqataa in khadku uu ka maqan yahay Itoobiya inteeda badan.

Mararka qaar ayuu soo noqonayay toddobaadkii hore balse wakhti badan ma sii joogayn.

Fariimaha gaaban ayaa sidoo kale la joojiyay tan iyo Khamiistii.

Shirkadda isgaarsiinta ee Ethio Telecom kama hadlin sababta khadka loo jaray, balse dadka ayaa isla dhex maray in looga hortago in imtixaanaadka qaranka la qisho.

Be the first to comment