Muwaadin Codsi Yaable U Diray Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar

Jigjiga (JigjigaOnline) – Muwaadin ku sugan magaalada Jigjiga ayaa qabsatay indhaha iyo hadal haynta dadka kaddib markii uu codsi layaab leh u diray madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar.

Wiilkan dhallinyarada ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi ayaa si aad ah loogu hadal hayaa baraha bulshadu ku xidhiidho iyo goobaha ay dadku iskugu yimaaddaan, waxaana uu magaalada ka dhex taagtay boodh ama tabbeele.

Maxamed Cabdi ayaa boodhka ku qoray inuu u baahan yahay inuu la kulmo madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxaana uu ku muujiyey sawirkiisa iyo telefoonkiisa oo uu ka dalbaday madaxweynaha inuu kala soo xidhiidho.

Muwaadinku ma sheegin waxa uu doonayo in madaxweynuhu u qabto, balse waxa uu dalbaday kulan kaliya, kaas haddii ay u suurtogasho uu ugu gudbin doono waxa uu tabanayo amaba doonayo.