Mustafe Cagjar: Waa Inaanu Soo Celiyo Madxafkii Garaad WIILWAAL Oo Ahayd Saldanaddii Gobonimo Sheegatay, Jigjiga Iyo Nawaaxigeedana Xasiloonida U Horseedday

Harar (JigjigaOnline) – Madaxweyne Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa ku baaqay in lasoo celiyo madxafkii Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Cagjar oo booqasho ku tegay madxafka Maxamed Cali oo ka dhisan magaalada Harar oo dhowaan ay dawladda Turkigu dibu-dhis ku samaysay, ayaa waxa uu sheegay in si la mid ah madxafkaas ay tahay in loosoo celiyo madxafkii Garaad Xirsi Garaad Faarax (WIILWAAL).

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Saldannaddii Garaad Wiilwaal ay ahayd mid gobonnimo sheegatay oo magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda u horseedday xasillooni nololeed.

Farriin Kooban oo barta uu ku leeyahay Facebook uu ku daabacay, ayaa waxa uu Madaxweynuhu ku yidhi: “Waxaan saaka booqanay, Matxafka Maxamed Cali oo ah Matxaf ka mida goobaha kaydka Taariikhiiga ee Saldanadii Harar. Matxafkan oo dhawaan ay dib u cusboonaysiin ku samaysay dawlada Turkiga ayaa waxaa yaala agab taariikheed aad u fac wayn oo muujinaya xadaaradii iyo ilbaxnimadii ay lahaan jirtay boqortooyadii Harar Sultanate.

Si-lamid sidaas waa inaan soo celinaa, taarikhdii matxafna usameena “garaad xirsi garaad faarax( wiilwal ) Oo ahayd saldanadii gobonimo sheegatay, jigjiga Iyo nawaaxigeda, xasiloonidas nololeed u horseeday.”

Ka sokow baaqa ah in lasoo celiyo madxafkan, madaxweynuhu ma soo qaadin wax qorshe siyaasadeed ah amaba hindise ay xukuumaddiisu doonayso inay kaga hawlgasho dibu-soo celinta madxafka magaalada Jigjiga.