Mustafe Cagjar Oo Qorshaynaya Xasuuq Kale Oo Uu Ka Geysto Raaso

Jigjiga (JO) – Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa qorshaynaya sidii ay ciidamada Liyu Boolisku u xasuuqi lahaayeen shacabka Raaso, maalin kaddib markii ay ciidamadu gumaadeen carruur yaryar iyo hooyooyin samaynayay mudaharaad salmi ah oo ay kaga cabanayeen caddaalad-darrada, eexda iyo dhulkooda uu Mustafe Cagjar ku amray inay ka guuraan.
Baraha Bulshada ee Madaxweyne Mustafe uu qoro ayaa waxa uu saaka ku daabacay inay jiraan maleeshiyaad hubaysan oo isku urursanaya deegaamadaas, taas oo uu doonayo inuu ku samaysto waddo uu ku laayo shacabka masaakiinta.
Bogga waxan malmaluuqay, waxa qora Madaxweyne Mustafe
Madaxweyne Mustafe oo soo minguurinaya ficilladii Cabdi Ilay, ayaa waxa uu doonayaa inuu qiil ka dhigto inuu ciidamo la dagaallamay, kaddibna uu shacabka ku laayo Raaso iyo deegaamada u dhow.

Be the first to comment