Muslimkii qaatay abaalmarinta Nobelka ee la hilmaamay

Sanadkii 1979-dii, Seeynisyahan u dhashay dalk Pakistan Cabdusalaam ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nobel-ka ee dhanka culuumka fiisikiska, kadib markii uu qeexay fikradda qurubyada(particles) ee illaa maanta la isticmaalo.

Wuxuu ahaa qofkii koowaad ee dalkaas u dhashay ee hela abaalmarinta, taas oo ka dhignaan lahayd arrin si weyn loogu xuso taariikhda dalkaas. Balse 40 sano kadib inta badan waa la hilmaamay taariikhda ninkan.

Hadda ayaa waxaa lasoo saaray filim cusub oo lagu baahiyay barta Netflix, kaas oo looga hadlayo taariikhdiisa.

Maalinkii uu guddoomayay abaalmarinta waxa uu xirnaa cumaamad, khudbadiisiina waxa uu kusoo qaatay aayado Qur’aan ah sida uu BBC-da u sheegay Zakir Thaver oo ah soo saaraha filimka.

Muuqaalka ayaa waxaa looga hadlayaa dhiironaantiisii iyo sidii uu ugu ad adkaa diintiisa, shaqadiisa iyo jacaylkii uu u qabay dalkiisa.

Sanadkii 1926-dii ayuu ku dhashay magaalada Jhang, xiligaas oo gumeystihii Ingiriiska uu xukumayay Pakistan, iyada oo aabihiis uu aaminsanaa in uu ahaa hadiyad dhanka Alle oga timid, islamarkaasna lagu tusay salaaddii Jimcaha in wiil u dhalan doono.

Intii uu korayay waxaa loola dhaqmayay si ka duwan carruurta kale, xitaa waxaa laga dhaafay shaqooyinkii guriga sida in uu lo’da liso, sidaas ayuuna ku heley waqti uu ku barto maadada xisaabta.

Markii uu jaamacadda u aaday magaalada Lahore, waxa ay u ahayd markii koowaad ee noloshiisa oo uu nal arko. Markii la arkay hibodiisa dhanka xisaabaadka ayuu heley deeq waxbarasho, wuxuuna tagay jaamacadda Cambridge. ee dalka UK.

Inkasta oo uu aad u jeclaa diintiisa, haddane marnaba ma uusan qiyaasan karin in ay caqabad ku noqon doonto. Waxaa jiray fikrado seeyniska ku jira oo toos oga hor imanayay diinta, sida fikradda in dhulku wareego, qoraxduna taagantahay, taas oo Qur’aanka lagu sheegay taas badelkeeda.

Ninkan waxa uu aaminsanyahay mad-habta Axmadiyada oo la asaasay sannadkii 1886-dii, waxayna aaminsanyihiin in uu soo baxay nabi cusub oo magaciisu ahaa Hazrat Mirza Ghulam Ahmad, kaas oo ahaa sheekhooda.

Muslimiinta kale ee Pakistan ayaa arrintaas kasoo horjeedsaday, waxaana dhacay rabshado ka dhan ah qoowmiyaddan.

Sharci la mariyay sanadkii 1974-tii ayaa Axmediyadaha lagu xukumay in aysan ka mid ahayn Muslimiinta, sharcigaas oo ka xayuubiyay xuquuqahoodii asaasiga ahaa.

Sanadkii 2010-kii, labo masaajid oo ay leeyihiin qoowmiyadan ayaa lagu gubey weerar lagu qaaday.

Inkasta oo uu dhibaato kala kulmay dalkiisa, haddane waligiis kama uusan quusan dalkiisa, isaga oo xitaa qeyb ka noqday mashruuca bacriminta hubka niyuukleerka ee ay Pakistan samaysatay sanadkii 1970-naadkii.

Balse markii xukuumaddii Ra’isulwasaare Zulfikar Cali Bhutto ay meelmarisay sharciga mad-habta Axmadiyada looga saarayo diinta Islaamka, Abdulsalaam waxa uu ka mid noqday dadka wax ka sheega maamulka, wuxuuna si gaar ah u dhaleecayn jiray barnaamijka hubka niyuukleerka.

Sanadkii 1979-dii ayuu ninkani ku guuleystay abaalmarinta Nobel-ka ee dhanka seeyniska fiisikiska. Isaga oo noqday qofkii Muslim ahaa ee ugu horeeyay ee abaalmarintan hela.

Balse qabrigiisa dowladda ayaa ka masaxday kalmadda ‘Muslim’, balse filimka laga sameeyay ayaa si weyn loogu xusay kalmadan ay dowladda Pakistan diiday.

Dalka Pakistan, taariikhda ninkan ma ahan mid aad loo sheegsheego, xitaa markii uu geeriyooday wax badan lagama qorin.

Waxaa jirtay in la siiyay jinsiyaddaha Ingiriiska iyo Talyaaniga, balse waa uu diiday, wuxuuna doortay in tiisa Pakistan uu waligiis haysto illaa markii uu dhimanayay.

Filimka laga sameeyay waxa uu qaatay 14 sanadood, labada qof ee sameeyayna waxa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa in ay soo saaraan wax tayo leh oo run ah.

Waxa filimka lagu waraystay dad aan waligood kaamiro laga duubin, waxaana ka mid ah xoghayihii Seeynisyahanka iyo xubnaha qoyskiisa, iyada oo filim sameeyeyaasha ay heleen aarkiifiyada qoyska iyo xusuustii seeynisyahanka.

Filimkan ayaa iftiiminaya dhibaatada dadka laga tirada badanyahay ku haysata adduunka, gaar ahaan qaaradda Aasiya.