Mohamed Salah Oo Sabab U Noqday In Nacaybkii Diinta Islaamka Ee Reer Galbeedku Hoos U Dhaco

London  (Jigjigaonline) РWeeraryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaan kaliya ahayn mid kooxdiisa ku saameeya garoonka dhexdiisa balse waxa uu sidoo kale noqday shaqsi si dadban banaanka garoonka ugu saameeyay dadka gobolka Merseyside.

Salah ayaa laba xilli ciyaareed oo heer sarre ah kusoo qaatay Anfield waxaana uu soo bandhigay wixii laga filayay wax ka badan isaga oo gaadhay heer loo tix geliyo mid kamida xiddigaha ugu wanaagsan dunida kubadda cagta.

Salah ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay kusoo guuleystay gool dhalinta horyaalka Premier League si lamid ah xiddiga horyaalka waxaana uu markale xilli ciyaareedkan soo hantay isla abaalmarinta kabta dahabka ah ee gool dhalinta.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Mohamed oo door weyn ka qaatay hammigii kooxda Liverpool ee hanashada tartanka Champions League markii lixaad taariikhda isaga oo udub dhaxaad usoo ahaa safka Jurgen Klopp.

Si kastaba, Saamaynta Salah ee ka baxsan gudaha garoonka ayay soo bandhigtay jaamacads Stanford University waxaaana ay shaacisay in tan iyo markii Salah uu u saxeexay Liverpool ay dambiyadii nacaybka ee gobolka Merseysida hoos u dhaceen 19%.

Markale jaamacada ayaa xusaysa in saamayn weyn oo hoos u dhac 50% ah ay ku yimaadeen qoraaladii Twitter-ka ee ay jamaahiirta Liverpool kaga soo horjeedi jireen diinta Islaamka kahor saxeexii Salah.

Si kastaba ha ahaatee, Waxa wax muuqda ah saamaynta uu Salah kusoo yeeshay kubadda cagta England gaar ahaan mida Liverpool isaga oo si gaar ahaaneed ay dadku ugu jeclaysteen diinta Islaamka iyo sida uu tusaale wanaagsan uga turjumayo.

Be the first to comment