Miyaanay Habboonayn In La Mamnuuco Isticmaalka Ereyada HEEGO Iyo CMC Ee Goobaha Bulshadu Ku Kulanto?

Markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee adduunka, waxa dunidu isla qaadatay in la mamnuuco ereyada muujinaya nacaybka.

Waxa la mamnuucay in siyaabaha qaarkood loo xiirto. Waxa la joojiyey in magacyada qaarkood lala baxo, waxaana dembi laga dhigay in afka qofka laga maqlo hoggaamiyeyaal muddo dheer usoo talinayey, laakiin dhaxalsiiyey dhibaatooyin badan oo ka dhan ah xuquuqda binu-aadamka, sida dhimasho, jid-dil, boob hantiyeed iyo in sida la doono loogu tagri falo hantida umadda.

Dalka Jarmalka, waxa mamnuuc ah in la maqlo magaca hoggaamiyahoodii Adolf Hitler, waxaana xabsi gelaya qof kasta oo sidii u xiirta, u socda amaba muujiya astaamihiisii kale ee ay ka mid ahayd qaabkii uu salaanta u bixin jiray.

Talyaaniga, waxa sidaas oo kale, waxa farta lagu fiiqaa, ugu dambayna cambaarayn iyo xabsiba gala, qofka muujiya calaamadihii lagu yaqaanay Benito Mussolini. Sidaas oo kale, waxa laysku waafaqsan yahay in la dabar-jaro, wax kasta oo muujinaya ereyo cunsurinimo laga dhadhansan karo, amaba cid ay dhibsan karayso.

Meelna laguma arki karo cid taageero u muujinaysa, amaba isticmaalaysa, wax lagu tilmaami karo inay muujinayaan ereyada, Fascist, Nazi iyo Anti-semitism.

Ujeeddada dadyowga caalamku u qaateen go’aamada noocan ah waxay tahay, in la tirtiro nacaybka oo jacayl lagu beddelo, wax kasta oo cid gaar ah, amaba bulsho dhibaato ka tirsatayna meesha laga saaro, si loo dhayo nabarradii iyo dhaawacii gaadhay.

Garoomada kubbadaha kala duwan lagu ciyaaro ee dunida hore u martay, marka koox taageereyaal ah ay ku hadaaqaan ereyo muujinaya kuwa sare ku xusan, amaba ay soo qaataan boodh (tabbeele) amaba qoraallo ay ku xardhan yihiin wax nacayb muujinaya, waxa kooxda ay la socdeen la mariyaa ciqaab adag, shaqsiyaadkaasna waxa laga qaadaa tallaabo adag oo sharci.

Maxaa ka dhacay deegaankeenna ee ay tahay in loo suuliyo sida kelmadaha sare ku xusan?

Muddo toban sannadood ku dhow, waxa shacabkeennu ay deris u ahaayeen nolol cidhiidhi, cabudhin, dil, kufsi iyo gabbood-fallo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, kuwaas oo uu kula kacayey dhiigyo cabkii madaxweynaha u ahaa.

Muddadii uu Axmaqaasi dalka haystay, waxa uu ku qasbay shacabka in afkooda aanu ka dhammaanin magaciisa, waxaana si uu taas ugu fududeeyo uu ugu soo koobay saddex xaraf oo ah CMC oo u taagnaa Cabdi Maxamuud Cumar. Qofka laga dareemo in aanu sidii uu Cibaado Rabbi gudanayo aanu carrabkiisa ugu celcelinaynin CMC, waxa uu mudanayey ciqaab ay ka mid tahay in la dilo iyadoo lagu wanjalayo inuu ka mid yahay ururro ay ka mid yihiin ONLF amaba urur diimeed.

Si qofku naftiisa u badbaadsado, waxa uu mar walba ammaani jiray CMC, waxaana uu barihiisa bulshada sida Facebook uu ku qasbanaa inuu kusoo qoro xarfahan.

Sannado badan oo ay tacaddigaa kusoo jireen kaddib, waxa uu Axmaqaasi iskugu yeedhay dadka, waxaana layskugu keenay garoonka kubadda cagta Jigjiga. May garanaynin sababta loogu yeedhay, mana jirin xus la ogyahay oo deegaanka iyo guud ahaan dalka Itoobiya ka jiray oo qorshaysnaa maalintaas. Markii ay garoonka soo buuxiyeen, Dad-cunkii ayaa istaagay, waxaana uu ku dhawaaqay magac ka kooban SHAN xaraf kaas oo ahaa HEEGO. Magacan waxa uu u bixiyey, koox uu u carbistay cabudhinta, jid-dilka, kufsiga iyo gumaadka shacabka.

Dhawr jeer ayuu magaca ku celceliyey isagoo makarafoonka haysta, kor u dhawaaqaya, gacantiisa midigna sare u taagaya, kaddibna isagoon kelmad kale raacinin ayuu iska baxay.

Kooxdii uu ku dhawaaqay ee HEEGO, waxay noqotay kuwa tacaddiga ugu badan ka geystay dalka, waxaanay gumaadeen kumannaan shacab ah oo aan waxba galabsanin, waxaana ugu dambayn ay noqdeen hubkii uu qorshaystay inuu ku gubo deegaanka markii uu xukunkiisu liicay, waxaana xilligaas ay gudaha Jigjiga ku laayeen dad badan oo kasoo jeeda qowmiyadaha kale ee dalka oo iyagoon waxba galabsanin meydkooda lasoo dhigay waddooyinka.

Alxamdulillah. Illaahay ayaa umadda dhaaficiyey Dad-qalkaas, waxaana uu hadda sugayaa in dhibaatadii uu geystay uu sharcigu ka gooyo.

Sannad iyo bilihii ka dambeeyey markii xabsiga la dhigay Cabdi Iley, waxay dadku xor u noqdeen inay shaqaystaan, kelmadihii ay qasabka ugu dhawaaqi jireen ay iska illoobaan, sidoo kalena ay u badbaadaan naftoodii, sharaftoodii iyo hantidoodiiba.

Sidaas oo ay tahay, ayaa waxa lasoo gaadhay tartanka ciyaaraha gobollada iyo maamul magaalooyinka Dawladda Deegaanka Soomaalida, waxaana kulankii ugu dambeeyey iskugu soo hadhay gobollada Jarar iyo Qorraxay, laakiin ceebta dhacday ayaa waxay tahay, in qaar ka mid ah taageereyaashii garoonka joogay ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin CMC iyo HEEGO, kuwaas oo soo xasuusiyey, dibna u damqay nabarradii iyo tacaddigii foosha xumaa ee sannadaha badan loo geysanayey.

Haddaba, miyaanay mudnayn, in kalmadahan laga mamnuuco fagaareyaasha iyo meelaha ay bulshadu ku kulanto?

Dabcan! Haa.

Si is-jacaylka, walaaltinimada iyo isku-duubnaanta bulshada loo ilaaliyo, waxa habboon in la mamnuuco ereyada muujinaya naca iyo kala-fogaanshaha.