Maxaynu ka Baranay Mohamed Mursi?

Yaa Alaah unaxariiso addoonkaaga Maxamed Mursi oo u dambi dhaaf oo caffi, ku arsaaq mansilooyinka shuhadada , kuna dallacsii janatul firdowsa.

Laba arrimood oo hor dhaca:

1. Mursi waa la dilay oo waxa dilay Mujrimka Siisi, dhinaca shareecada Islaamka waxa lagu fuliyay dil badheedha. Lix sano ayaa lagu hayay xabsi lagu silciyay dawada iyo cunnadaba. Isagoo qaba cudurka sonkorta ayaa marna cuntada lagu silcinayay marak dawada insoliinka. Taasina ay keentay in darajada sonkarkta dhiigiisu marna si xad dhaafa kor u kacdo , marna xis xad dhaafa hoos ugu dhacdo.
Falkaasi wuxuu iskugu jiraa jidh dil badheedha iyo ujeedo dileed iyo in loo bandhigay dhimasho qun yar qun yar.

2. Mursi wuxuu ahaa aadane sax iyo qaladba lahaa, tajribadiisa la xidhiidha siduu xukunka ku hantay iyo qaabkuu u waday taliskuba waa arimo aanu wax kaga khilaafsanahay, akhristuhuna ku waafiqi karo ama ku khilaafi karo.
Laakiin arinkaasi wuuu ka baxsan yahay goobta qoraalkan ee sidaa ha loo ogaado.

Casharada aynu ka baran karno Mursi:

Kow: Si raganimo leh ayuu kaga baxay dunidan, dhiigya cabka Siisi ayuu u diiday inuu ka helo wuxuu rabay , wuxuu diiday inuu isku dhiibo, wuxuu ku adkaystay inuu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalka, Siisina yahay khaa’in qowlaysato ah, Mursi wuxuu baray fircoonka Masar iyo dawaaqiidda kale ee caalamkaba in xaqa iyo ku sugnaanta mabda’u ka qaali sanyihiin wax walba, cashar ayuu ina baray in fircoonka iyo daalimka oo la isku dhiibaa dullinimo ku tahay muslinka, in xaqa oo looga tanaazulo daalimiintu tahay fulaynimo aan u qalmin ehlu xaqa, daris lama ilaawaana ayuu ka bixiyay sida halyeeyada hantay go’aankooda xorta ahi mar walba ugu quus gooyaan dawaaqiidda iyo daalimiinta. Mursi wuxuu xuruuf waaweyn inoogu qoray sida cad ee ay geesiyada Islaamku gacanta ugu saydhaan sawaxanka kuwa ka doonaya inay isdhiibaan, ganafkana ugu dhuftaan kuwa ugu baaqaya inay ka degaan faraska ciziga iyo karaamada ee ay caynaankiisa hayaan.

Mursi wuxuu ku adkaystay in xabsiga oo uu ku dhintaa uga khayr badan tahay inuu mujrimka Siisi kabaha u qaad, una sharciyeeyo dhiiga kumanaankii muslimiinta ahaa ee uu ku gumaaday Raabica, Annahda iyo inta kale ee uu ku dilay kuna dilayo xabsiyadiisa.

Sidaasay ahaayeen raggii ragga ahaa ee baalalka dahabiga ah kaga qoran taariikda Islaamka , sida Almuctamid bin Cabbaad markii la kala doorransiiyay inuu daba dhilif u noqdo Alfoonsoo oo ahaa boqoradii nasaarada Al-andalus kii ugu khatarta badnaa uguna duullimaadka badnaa dhulka muslinka iyo inuu isbahaysi la yeesho Yuusuf bin Taashfiin oo ahaa boqorkii Al-Muraabiduunta oo ay ka cabsanayeen boqoradii dowladihii yaryaraa ee xilligaa kala qoqobay muslimiinta ملوك الطوائف , uu yidhi:

لأن أرعى إبل يوسف إبن تاشفين خير لي من أن أرعى خنازير الفونسو

“Inaan raaco geela ibnu Taashfiin ayaa iiga khayr badan inaan raaco doofaarada Alfoosoo”

Ummadda Islaamka waxa maanta ka muuqda niyad jab iyo wahsi, duruufaha inagu xeeran ayaa ku keenay muslimiin badan inay ku dhex noolaadan walaac iyo cabasho ragaadisay, dad badan oo ay culimo iyo ducaadba ku jiraan ayaa ka caga jiida inay qaataan go’aano u baahan geesinimo iyo badheed cad, iyagoo mar walba cabasida hadhaysay awgeed uga joogsanaya inay Muslimiinta u horseedaan kuna hogaamiyaan go’aanno waxtar u leh diinta iyo ummadda.

Laba : Mowqifka uu qaatay Mursi wuxuu ahaa mid gilgilay xaaladaha dabacsan ee ay raaliga ku noqdeen culimo iyo ducaad badan oo cagaha ka jiiday inay qaataan mawaaqif adag oo xaqa looga gargaarayo , baadilkana lagu hor istaaga . Culimo dhiirran , go’aano badheedha oo xikmadaysan, dadweyne qiiraysan oo u hiilinaya diinta iyo islaamnimada iyo siyaasado sal adag oo indho furan intuba waa kaabayasha mushruuca hadafaysan ee lagaga bixo karo xaaladda jilicsan ee ay muslimiintu ku jiraan, laguna gaadhayo xaalad ay muslimiintu hantaan go’aankooda, iskaga ridaan heeryada xukaanta danaha gumaysiga ka fuliya arladooda, isla markaana ay xor u noqdaan ka talinta aayahooda.

Ummadda Islaamka waxa maanta ka muuqda niyad jab iyo wahsi, duruufaha inagu xeeran ayaa ku keenay muslimiin badan inay ku dhex noolaadan walaac iyo cabasho ragaadisay, dad badan oo ay culimo iyo ducaadba ku jiraan ayaa ka caga jiida inay qaataan go’aano u baahan geesinimo iyo badheed cad, iyagoo mar walba cabasida hadhaysay awgeed uga joogsanaya inay Muslimiinta u horseedaan kuna hogaamiyaan go’aanno waxtar u leh diinta iyo ummadda.

Waxaan ku jiraa dad badan oo Allaah caza wa jalla Mursi uga baryayey lixdii sano ee uu xabsiga ku jiray inuu sugo oonu u tanaazulin mujrimka Siisi, kuna adkaysto inuu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Masar xataa hadduu qudhiisa ku waayayo oo lagu dilayo.

Way jirtaa in loo soo bandhigay inuu tanaazulo, oo xataa ay xubno Ka tirsan Ikhwaanu Muslimiinka oo iskaga laftiisu ka tirsanaa ay ra’yigaa qabeen, ikhwaanka dhexdoodana uu jiray khilaaf weyn oo ku wajahnaa mowqifkaa uu isagu qaatay , Allaah caza wa jallana ku sugya oo waafajiyay inuu isagoon dib uga noqon sidaa ku god galo , Rabigiuina la kulmay isagoo sharfan, madaxiisu kor u taagan yahay, oo nin raga ah.

.

Seddex: Ballanteenu waa Janaazada.

Imaam Axmedرحمه الله ayaa laga hayaa inuu yidhi :

بيننا وبينكم يومُ الجنائزِ
“Waxa inoo ballana maalinta janaazada”

Allaah ayaa u rumeeyay imaam Axmed wuxuu doonayay siduu yidhi Al-Xaafid ibnu Kassir “وقد صدق الله قوله في هذا” , waxana la sheegay in ay ku tukadeen hal milyan oo qof janaazadiisa.

Faajirka Siisi wuxuu qorsheeyay in shacabka reer Masar aanay ka soo qayb galin salaadda janaazada ee Mursi, duruufo adag ayaa lagu xeeray, askar iyo ciidamana waxa la soo tubay halkii lagu meedhay iyo aaskiisiiba, waxana loo ogolaaday oo kaliya inay ka soo qayb galaan dad faro ku tirisa oo iskugu jiray ehelkiisa iyo garyaqanadiisa.

Laakiin arrinku siduu fircoonku rabay way noqon weyday, Mursi رحمه الله waxa salaatul qaa’ib lagaga tuday daafaha dunida, waxa sharaf iyo karaamo u ah in lagaga tukaday masjid Al-Aqsaa.

Afar: Darsi ku wajahan xufaadda Qur’aanka:

Ehlu Qur’aanku Waa ehelka Allaah caza wajalla, taaj baa madaxa u saaran, Mursi wuxuu ahaa xaafidul Qur’aan ehlu cibaado ah oo xataa sanadkuu madaxweynaha ahaa salaadda subaxa ku tukanayay masjidka.

Kitaabta Ilaahay ee uu xafiday ayuu ku ilaaliyay geesinnimo, wuxuu diiday in fulay lagu sheego nin xaafidul Qur’aana.

Dadka xufaadda ah ee dhalinyaro iyo cirroolaba iskugu jira ha dareemaan xaqa uu Qur’aanku ku leeyahay iyo ilaalinta tilmaamaha ehlu Qur’aanka.

Dhalinyarada Allaah caza wa jalla ku maamuusay inay xafidaan Kitaabka Allaah waa inay iyagu dadka kale uga dheereeyaan safka hore iyo salaadda subaxa oo ay masaajidda ku tukadaan.
Waa inay iyagu dadka kale ugu dheereeyaan baylah tirka danaha diinta iyo ummadda islaamka.
Waa inay iyagu ka dhex muuqdaan meel walba oo looga howl galayo kor u qaadka xaaladda muslimiinta ee maanta dayacan.
Waa inay ku sifoobaan geesinimo, faxalnimo, deeqsinimo , u hiillinta xaqa iyo ehelkiisa iyo sifo walba oo wanaagsan ku Allaah ku sheegay Kitaabkiisa ay xafidsan yihiin.

Shan: Khayrka badan ee loo qirayo , muslimiinta badan ee meel walba uga ducaynaysa Mursi رحمه الله , iyo habaarka la habaarayo mujrimka Siisi iyo kuwa la wadaaga wixii gaadhay Mursi intuba waa khayr iyo wanaag loo qirayo addoonkaa Allaah ee wanaagsanaa.
Nabiguna صلى الله عليه وسلم waa ka yidhi: أنتم شُهَداء الله في الأرض
“Idinku waxaad tihiin markhtiyada Allaah ee dhulka”

Kani waa daris weyn oo u baahan inaynu is weydiino, maxaa dadka kala sooca geerida dabadeed ee qaarna muslimiintu khayr iyo wanaag uga sheegaan, qaarna xumaan iyo shar loogu asteeyaa.
Yaa allaah niyada noo wanaaji , quluubtayada hagaaji, khaatimado khayr lehna nagu arsaaq.

فَارْفَعْ لِنَفْسِكَ قَبْلَ مَوْتِكَ ذِكْرَهَا *** فَالذِّكْرُ لِلإِنْسَانِ عُمْرٌ ثَانِ
W.Q. sheekh : sh.maxamed kaariye