Maxay Tahay Sababta Uu Hrithik Roshan U soomo 23-ka Saacadood?

New Delhi (JO) – Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Hindiya ee Bollywood-ka, Hrithik Roshan ayaa bogaggiisa baraha bulshada ku sheegay inuu si joogto ah u soomo 23 saacadood oo xiriir ah, xilligan oo lagu guda jiro xayiradda uu sababay cudurka coronavirus.

Roshan ayaa sababta uu arrintaas adag u sameynayo ku sheegay si uu u ilaaliyo caafimaadkiisa iyo fayo qabka jirkiisa, maadaama uusan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo la oggol yahay in bannaanka loogu baxo.

Maanta oo Jimce ah ayuu atoorahan bartiisa Instagram-ka iyo bogga uu ku leeyahay Facebook soo dhigay sawirro iyo qoraal isla socda oo uu ku faahfaahinayo sida uu xaaladdiisa u maareeyo.

“23 saacadood oo soon ah. #Caafimaad ku noolaasho #adkeysi #edabtu waxay lamid tahay xornimo,” ayuu kusoo qoray sawirkiisa.

Sawirka waxaa lagu arkayaa Hrithik oo kaamirada u iljabinaya.

Wuxuu u muuqdaa in timaha madixiisa iyo garkiisa ay kusii badanayaan, maadaama aan lasoo bixi karin inta lagu jiro xayiraadda.

Hrithik oo kaliya ma aha balse jilayaasha kale ee Hindiya, sida Akshay Kumar, Aamir Khan, Saif Ali Khan iyo xitaa filim sameeyaha lagu magacaabo Karan Johar ayaa sawirradooda soo dhigay baraha bulshada iyagoo laga dareemayo inuu si weyn u saameeyay amarka xayiradda.

Taageerayaasha Hrithik ayaa mar kale aad ula dhacay sida uu muuqaalkiisa wali u wanaagsan yahay.

Hrithik wuxuu xayiraadda kula jiraa labadiisa wiil ee kala ah Hrehaan iyo Hridaan iyo sidoo kale xaaskiisii hore Sussanne Khan.

Wuxuu dhawaan ka qeyb qaatay gurmadka dhaqaalaha loogu aruurinayo howlaha caafimaadka iyo badqabka ee ay wadaan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore uga jira la dagaallanka cudurka Covid-19, gaar ahaan ciidamada booliska ee magaalada Mumbai.

Maalintii uu Hrithik Roshan qolkiisa ku dhex ooyay

Filim soo saaraha reer Hindiya Rakesh Roshan ayaa si faah-faahsan uga sheekeeyay dhacdo ku saabsan maalintii uu wiilkiisa Hrithik qol isku soo xiray, isagoo oynaya, ka dib markii uu soo baxay filimkiisii ugu horreeyay ee Kaho Naa… Pyaar Hai.

Roshan ayaa sheegay in Hrithik uu culeys badan dareemay markii uu habeen dhan ahaa qof ay dadka oo dhan jecleysanayaan, sida ay tabiyeen wargeyska Hindustan Times iyo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta kale ee Hindiya.

Sanadkii 2000 ayuu Hrithik markii ugu horreysay kasoo muuqday filimka uu aabihiis sameeyay, oo sidoo kale ay atariisho ka ahayd Amisha Patel.

Wareysi uu Mr Roshan siiyay warbaahinta The Quint ayuu dib ugu soo xasuustay dhacdadaas, isagoo sheegay in wiilkisa uu guriga yimid isagoo ka fikiraya sida ay noqotay natiijada tijaabadii ku saabsaneyd inuu ku habboon yahay jilista filimada iyo inkale.

Wuxuu Roshan yiri: “Waan xasuustaa dhacdadan, waxay ahayd saddex ama afar bilood ka dib markii uu soo baxay filimka. Hrithik qolkiisa ayuu ku dhex oynayay. Wuxuu dhahayay, ‘aniga arrintan ma xamili karo. Ma shaqeyn karo, ma aadi karo studio-ga. Waxaa jira basas gabdho iyo wiilal ka buuxaan oo doonaya inay ila kulmaan. Ma heli doono fursad aan wax ku barto, ama wax ku jilo, ama aan diiradda ku saaro shaqadeyda. Qof walba wuxuu doonayaa inuu ila kulmo.’ markaas ka dib ayaan aniga ku dhahay, ‘kasoo qaad in xaaladdan aysan waligeed ku qabsanin, maxaa dhici lahaa markaas? Waa inaad u qaabishaa sidii barako laguugu talagalay, isku day inaad la qabsatid, shaqadaadana wado, ha u qaadanin dhibaato,’ wuuna i fahmay”.

Markii uu soo baxay Filimkaas, Rakesh, oo ah Hrithik aabihiis, wuxuu ku guuleystay abaalmarintiisii ugu horreysay abid ee uu ku helay soo saarista filimada iyo hagistooda, halka Hrithik uu ku guuleystay abaalmarintii ugu horreysay ee atoorasha ugu wanaagsan sanadka iyo atoorihii ugu fiicnaa ee isagoo billow ah shaqadiisa sidaas u wacnaatay.

Hirithik wuxuu sii watay xirfaddiisa jilista, oo uu guulo badan kasoo hoyiyay 20-kii sano ee ugu dambeysay.