Maxay tahay sababta bukaannada coronavirus loogu seexinayo xabadka?

Xilli ay sii kordhayaan kiisaska cudurka Covid-19, sawirrada isbitaallada waxay noqdeen kuwo aan mar walba garaneyno.

Laakiin waxaan in bukaannada ku jira qeybta daryeelka khaaska ah ee ICU-da lagu xiro qalabka neefsashada ka caawiya. Hab kale oo waxaa jira maalmahan indhaheenna soo jiitay.

Maxaa kuwo badan oo ka mid ah bukaannada loogu seexiyaa xabadka?

Dhakhaatiirta ayaa u arka in qaabkan dadka qaar noloshooda lagu badbaadin karo.

Farsamadan qadiimiga ah waxay wax u tartay bukaanno ay neefsashada dhibeysay, maadaama ay horay u qabeen cudurrada waxyeelleeya habsami u shaqeynta neefta.

Wuxuu habkan kordhiyaa hawada oxygen-ta ee gudaha u galeysa sambabbadooda.

Hase yeeshee farsamadan waxay sidoo kale wadataa khatar.

Kordhinta socodka oxygen-ka

Bukaannada waxaa dhowr saacadood loo seexin karaa xabadka, si loo sahlo inuu fududaado dhaqdhaqaaqa hawada galeysa ama ka soo baxeysa sambabbada.

Xirfaddan ayaa muddooyinkii dambe aad loogu adeegsadaa dadka laga daweynayo cudurka Covid-19 ee ku jira qeybaha adeegga khaaska ah ee isbitaallada.

“Qaar badan oo ka mid ah dadka qaba Covid-19 ma helayaan neef ku filan oo ay gudaha u qaataan, taasina waxay u keeneysaa dhibaato,” ayuu yiri Panagis Galiatsatos, khabiir ku takhasusay daryeelka caafimaad ee ugu sarreeya, sidoo kalena kaaliye barfasoor ka ah Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka.

“Inkastoo neefta oxygen-ta la siiyo, mararka qaar kuma filna, sidaas darteed waxaan u seexinnaa xabadka, si ay markaas sambabbadooda u kala baxaan,” ayuu yiri.

Dr Galiatsatos wuxuu sheegay in qeybta ugu culus ee sambabbada ay jirto dhinaca dhabarka, sidaas awgeedna bakaannada dhabar-dhabarka u jiifa waxaa ku adkaaneysa inay neef gudaha u qaataan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in farsamadan loo adeegsan karo carruurta, laakiin waxay shuruud ka dhigtay inay sameeyaan dad tababar fiican u leh caafimaadka.

Farsamo halis wadata

Laakiin inkastoo ay u muuqato farsamo iska sahlan, u seexashada xabadka waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad.

In bukaannada loo gaddiyo dhinaca xabadka waxay qaadaneysaa waqti, waxayna u baahan tahay dhowr qof oo tababar iyo khibrad caafimaad leh.

“Ma sahlana. Afar ilaa shan qof ayaa loo baahan yahay si ay howshaas ugu fuliyaan si taxaddar leh oo nabadgalyo ah,” ayuu yiri Dr. Galiatsatos.

Arrintani waxay culeys ku noqon kartaa isbitaallada ay shaqaalaha ku yar yihiin, iyadoo waliba ay sii badanayaan dadka xanuunka Covid-19 loo geynayo xarumaha caafimaad.

Isbitaalka Johns Hopkins wuxuu koox u xil saaray inay ka shaqeeyaan gaddibta bukaannada loo seexinayo xabadka, shaqadooduna ay tahay inaas uun, sida uu sheegay Dr Galiatsatos.

Laakiin in la baddalo dhinaca ay bukaannada u jiifaan waxay iyaduna horseedi kartaa dhibaato kale.

“Dadka cayilan ayaan ka qabnaa walaaca ugu bada. Waxaan sidoo kale aad uga taxaddarnaa dadka dhaawacyada ka qaba xabadka iyo bukaannada ay ku jiraan tubooyinka neefsashada ama kuwa dawooyinka laga siiyo.”

Farsamadan waxaa sidoo kale lala xiriiriyay inay horseedi karto wadne xanuun iyo inay mararka qaar jah wareerin karto habsami u socodka hawada jirka.

‘Si aad ah ayaa loo isticmaalaa hadda’

Faa’iidooyinka u seexashada xabadka waxaa markii ugu horreysay la ogaaday bartamihii 1970-meeyadii.

Laakiin sanadkii 1986-kii unbey noqotay mid si aad ah looga isticmaalo isbitaallada caalamka, sida ay khubarada sheegeen.

Luciano Gattinoni wuxuu ka mid ahaa dhakhaatiirtii ugu horreysay ee hoggaamineysay daraasadihii lagu sameeyay xirfaddan – iyo waliba kuwii ku tijaabiyay bukaannada ee ku guuleystay.

Wuxuu hadda ka howl galaa Università Statale oo ku taalla magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Prof. Gattinoni wuxuu BBC-da u sheegay in farsamada xabad u seexinta ay soo wajahday “caqabado badan” maalmaheedii ugu horreysay, maadaama ay khubarada caafimaadka qaarkood kasoo horjeesteen.

“Laakiin hadda si aad ah ayaa loo adeegsadaa,” ayuu yiri.

Be the first to comment