Maxay Salka ku haysaa Cadaawadda Madaxweyne Mustafe U Qabo Qaybo Ka Mid Ah Shacabka Deegaanka? Goorma Ayay se Soo Bilaabantay?

Jigjiga (JO) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar ayaa toddobaadkan dhamaystiray xulista xubnaha deegaanka ku metelaya Golaha Dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee Barwaaqo, kaas oo Soomaalida laga siiyey 45 xubnood si la mid ah deegaamada kale ee dalka.

Xubnaha 45-ka, waxa uu Madaxweynuhu beeshiisa siiyey 17 ka mid ah oo u dhiganta 38 boqolkiiba xubnaha Soomaalidu ay ku yeelanayaan xisbiga Barwaaqo, waxaanu inta kale isku siiyey Soomaalida deegaanka degta oo dhan, taas oo layaab ku noqotay shacabka.

Deegaanka Soomaalida oo ay degaan inta badan beelaha Soomaalidu ka kooban tahay, waxa uu Madaxweynuhu si gaar ah faquuq ugu sameeyey beelo waaweyn oo aanu xattaa hal xubin ka siinin xubnaha 45ka ah ee uu liiskooda u gudbiyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee Addis Ababa iyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo isagu ah guddoomiyaha xisbiga.

Beelahan oo qaarkood ay warbaahinta ka hadleen, waxay ku eedeeyey Madaxweynaha inuu xuquuqdoodii metelaadda ka duudsiyey oo uu beeshiisa ka buuxiyey xisbiga talada haya.

Beesha degta degta Gobollada Faafan, Erer, Jarar, Shabeelle iyo Nogob ayaa si lama filaan ah looga dhex-waayay liiska Madaxweynuhu gudbiyey, waxaana u qaadan-waa noqotay in iyadoo Magaalada Jigjiga ee xudunta deegaanka ah ay iyagu deggan yihiin, laguna qiyaaso in 40% shacabka deegaanku ay ku nool yihiin.

Arrinta kale ee layaabka noqotay ayaa ah in deegaamada ay beeshani degto oo dakhliga ay soo saarto lagu qiyaaso in ka badan 85% dhaqaalaha deegaanka usoo xerooda, ay maanta ka qatan yihiin in xataa hal xubin ay ku yeeshaan Golaha Dhexe ee Xisbiga Baraaqo oo kaliya aan loo tixgelinayn inuu yahay xisbi siyaasadeed ee isagu ah dawladdii maadaama uu xilka hayo, taas oo ka dhigan in gebi ahaanba beeshan laga saaray dawladda.

Tallaabadan oo muujinaysa cadaawadda uu Madaxweynuhu u qabo shacabka beeshan ee uu kusoo dhex-koray illaa yaraantiisii, ayaa waxa la isweydiinayaa halka ay salka ku hayso iyo goorta ay soo bilaabantay.

Markii uu Madaxweyne Mustafe xilka qabtay waxa uu ka badheedhay tallaabo uu ku muujisanayo cadaawadda iyo nacaybka uu u qabo beeshan, waxaanu dhex-galay xubnaha xisbigii Siraaj oo uu kasoo qaatay xubnihii ay isku haybta ahaayeen oo uu xilal muhiim ah uga magacaabay xukuumaddiisa, kuwii kale ee beeshan kasoo jeedayna uu dhamaantood ka yimid.

Intaas kaddib waxa uu Madaxweynuhu beeshan kasoo doortay laba masuul oo ah kuwo dantooda gaarka ah oo kaliya ilaashada, isagana u sameeya wax kasta oo uu doonayo, kuwaas oo uu u adeegsado cabudhinta iyo is-hortaagga danaha iyo xuquuqaha ay leeyihiin beeshoodu, kuwaas oo iyagana uu hadda kasii takhalusayo markii uu ka gaadhay wixii uu ka daoonayay.

Madaxweyne Mustafe oo lagu xanto inuu yahay nin isbedbeddal badan oo aan lahayn qawl loogu soo hagaago, waxa kaliya ee muddadii uu xilka hayay aan mar kaliya isbeddelin cadaawadda uu beeshan u hayo.

Laakiin odoroska siyaasadda guud ee deegaanka, waxa duudsigani uu Mustafe ku keenayaa dhaawac weyn oo dhinaca kalsoonida shacabka ah, isaga oo waayi doona ku dhowaad 40% taageerada shacabka deegaanka ee beeshani hormoodka ka tahay.

Be the first to comment