Maxay Khubarada Caafimaadku Ka Yidhaahdeen Caafimaadka Iyo Soonka Sida Kelyaha, Laabjeexa Iyo Macmacaanka Suxuurta?

Waa markale iyo maqaaladeenii taxanaha ahaa ee caafimaadka bulshada, oo aynu maanta sii ambaqaadi doonno maqaalladii ku saabsanaa soonka iyo caafimaadka guud ee jidhka, innagoo ku guda jirna bishii barakaysnayd ee ramadaan, iyo soonkii diinteenu ina fartay, waxaynu ognahay inay jiraan xaalado caafimaad oo soonka iyo salaadaha dhaadheer ee bishani ku soo kordhiyaan nolol-maalmeedkeena. Maqaalka maanta waxaan si kooban u guudmari doonaa qodobo ay tahay inaynu kala socono soonka iyo bishan barakaysan ee ramadaan.

1- TIMIRTA IYO AFURKA: timirta oo lagu afuraa waxay ka mid tahay talooyinka diinteena suubani ina siisay, timirtu waxay ka koban tahay waxyaabo badan oo faa’ido u leh jidhka, kolay waxay u baahan tahay maqaalo badan si aynu tafaasiisha faa’idooyinka timirta wax uga ogaano, laakiin waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa labadan: –timirtu sonkoraha ay ka kooban tahay waa kuwa loo yaqaan sonkoraha-fudud (simple sugars), sidaa darted sonkartani waxay si fudud uga gudbi kartaa marinada cuntada, jidhkuna si degdega ayuu u soo nuugi karaa, tani waxay keenaysaa inay guluukoosta jidhku si degdega kor ugu kacdo, ka dibna tamar badan uu qofku helo, –marka labaad timirta waxa aad ugu badan macdanta la yidhaa botaasiyam (potassium) oo aad muhim ugu ah shaqada muruqyada, waynu naqaanaa in qofku itaal-dareeyo marka uu sooman yahay, ama ay ku adkaato shaqada iyo dhaqdhaqaaqa badaniba guud ahaan, sidaa darted hadii aynu afurka ku bilowno timir, waxa aynu dib u soo celinaynaa awoodii muruqyadeena .

2- DHAGAXAANTA KELYAHA IYO SOONKA: waxa aynu naqaanaa cabitaanka biyuhu markay yaraadaan inay ka mid tahay sababaha keena dhagaxaanta ku samaysma kelyaha, soonkuna dabcan waxa uu yareeyaa cabitaankii biyaha, sidaa darteed waxa suuro gal ah in kelyaha ay ku samaysmaan dhagaxaantaasi, hadaba waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaaan si looga hortago xanunkan in qofku afurka ilaa suxuurta uu cabo biyo badan oo gaadhsiisan ilaa laba litir,( biyo kaliya maaha ee sharaabka iyo wixii la xidhiidhaana waa la mid). Hadii kale qofku waxa uu khatar ugu jiraa inay ku samaysmaan dhagaxaanta kalyuhu, gaar ahaan dadka qaba xanuunyada kalyaha, ama dadka ay ehelkoodu leeyihiin cuduro saameeya kelyaha siiba dhagaxaanta (family history of Renal stones)

3- CARUURTA IYO SOONKA: waalid badan ayaa is waydiiya inay caruurta da’doodu yar tahay ay awood u leeyiin inay soomaan iyo in kale, iyo hadii ay dhibaatooyin caafimaad ka soo gaadhayaan soonka, hadaba caruurta yaryari inay soomaan way fiican tahay waana tababar loogu diyaarinayo si ay ula qabsadaan soonka marka ay waynaadaan, laakiin waxa muhim ah inay yareeyaan ciyaarta iyo dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan, si ay u ilaashadaan tamarta jidhkooda ku jirta, waxa kale oo fiican in waalidku mashquuliyo caruurta sida inuu u ogolaado inay daawadaan tv-ga ama ciyaaraan ciyaaro aanay tamar badani kaga baxayn (video-games ) waqtiguna ku dhaafayo iyagoon dareemin.

4- MACMACAANKA IYO SUXUURTA: dadka qaar ayaa aaminsan inay sonkorta badani keenayso tamar badan , waana run, laakiin marka uu qofku ku suxuurto cunto macaan, guluukoosta jidhka ku jirtaa aad bay kor ugu kacaysaa, waxay tani keenaysaa inay iyana kor u kacdo dheecaanka insulin-ta oo ka imanaya jawaabta jidhka, isagoo jidhku isku dayaya inuu yareeyo. guluukoostan sida degdega ah kor ugu kacday, insulintu markaba waxay yaraynaysaa guluukoosta, ka dibna qofku wuxuu dareemayaa inuu gaajooonayo iyadoon la isba gaadhin, waayo dhiiga wax guluukoos ahi kuma hadhin. Si kooban: si aad u yarayso dareenka gaajada, iska yaree cuntooyinka macmacaaan ee aad cunayso suxuurta.

5- LAAB-DILLAACA IYO SOONKA: waxay ka mid tahay dhibaatooyinka la xidhiidha maalmaha hore ee soonka, laaakiin maalmaha dambe way yaraataaa, jidhkuna waa uu la qabsadaa isbadalada ku yimid waqtiyada cuntada la cuno, dabcan caloooshu markay madhan tahay waxay soo daynaysaa aysiidh (gastric acids) taasoo ay u adeegsan jirtay inay ku burburiso cuntada, laakiin mar hadii uu qofku sooman yahay aysiidhi meel madhan bay ku soo dhacaysaa, ka dibna waxa suuro gal ah inay dib u soo raacdo dhuuntan cuntadu soo marto, ka dibna qofku dareeemo laab dilaac, waxaana jira cuntooyin si gaara ula xidhiidha, iyadoo ay dadkuna ku kala duwan yihiin cuntooyinka ay laabdilaaca ka qaadaan iyo waliba xadiga uu gaadhsiisan yahay dareenkaasiba.

Cilmi baadhis caafimaad oo khabiiro ka tirsan jaamacadaha dalka Maraykanku ku baadheen saamaynta soonku ku leeyahay caafimaadka aadamiga ayaa natiijo aad uga yaabisay oo ay mucjiso ku tilmaameen kaga soo baxday, waxaanay baadhistoodan ku ogaadeen sida qayb kasta oo caafimaadka aadamiga ah uu soonku faa’iido iyo wax tar ugu leeyahay.

Jariirada “Detroit Free Press” oo natiijadii cilmi baadhistan baahisay, ayaa ku warantay in Soonku yahay mucjiso aadamiga badankoodu aanay ka war qabin oo faa’iidadiisu ka daahnayd.

Walter Longo oo ahaa khabiirkii cilmi baadhistan hor kacayay, ayaa muujiyay sida faa’iidooyinka caafimaad ee soonku ay uga yaabisay aragtidii ay ka haysteena mar qudha u badashay.

Khabiirkan jaamacada (University Of Southern California), oo ka hadlayay natiijada ka soo baxday cilmi baadhistii ay ku sameeyeen Soonka, ayaa yidhi, “Muddo dheer aadamigu waxay raadinayeen, inay helaan, hab isku dheeli tiran oo ay ku ilaaliyaan caafimaadkooda, isla markaana kaga badbaadaan cudurada halista ah iyo dhibaatooyinka caafimaad daro ee sababta u ah, cimri deg deg  iyo caafimaad darada is huwan. Laakiin waxaanu ogaanay in hab kasta oo hore loo tijaabiyay ama lagu qabay kalsooni, aanu ahayn mid damaanad buuxda lagu qabi karo, hasa yeeshee Soonku waxaan odhan karaa waa habka ugu haboon ee caafimaadka aadamiga ugu wanaagsan.” Ayuu yidhi.

Khabiir Walter oo ka mid ah khubarada ayaa sheegay in dhamaan tijaabo kasta oo ay sameeyaan ay ku ogaan jireen, in bilo ka dib, xanuuno iyo dhibaato caafimaad qofku kala kulmo.

Laakiin 4-todobaad oo qofku soomaa hab kasta oo caafimaad ka wanaagsan tahay, khabiirkan ayaa tilmaamay sida ay ula yaabeen markii ay baadhitaankooda ku sameeyeen dad Muslimiin ah oo soomay bisha Ramadaan, kuwaas oo ay arkeen in dheef shiidkoodi fiicnaaday, difaacii jidhkoodu xoogaystay, jidhkooduna sidii ugu haboonayd u gubay duxdii iyo waxyaabaha baruurta iyo caafimaad darada dhaliya.

Khubaradan oo tijaabadoodi ugu horeysay ku sameeyay jiirarka baadhitaanada dawooyinka loo isticmaalo, ayaa aad uga yaabay natiijada kaga soo baxday cunto ka joojintii noolayaashii ay baadhitaanka ku samaynayeen. Ka dibna waxay u gudbeen in dad sooman ay baadhaan, waxa layaab ku noqotay markii ay arkeen saamaynta soonkii ku yeeshay caafimaadkooda, waxa ay ogaadeen in qofku marka uu soomo, jidhku burburiyo unugyadii difaaca ee gaboobay ka dibna kuwo cusub oo aad u badan samaysto, taas oo ah hab haddii jidhka aadamigu awoodo uu wax walba kaga gaashaaman karo. Ugu danbayntii khubaradan Maraykanka ah ayaa dadkooda kula taliyay in ay afar todobaad soomaan sanad kasta si ay caafimaadkooda kor ugu qaadaan ugana gaashaantaan cuduro iyo halis caafimaad oo ku dhacda.

 

Be the first to comment