Maxay Daawada Fayraska Korona Ee Madaxweyne Donald Trump La Siiyey?

Washington (JO) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu liqay dawada looga hortago cudurka duumada ama malaariyada ee hydroxychloroquine.

Trump wuxuu sheegay in dawadan uu ugu talagalay in uu isaga difaaco fayraska Covid-19, in kastoo seynisyahannada ay ka digayaan dhibaatada ka dhalan karta.

Waxaa socdo cilmi baarisyo lagu eegayo hydroxychloroquine (iyio dawada kale ee xiriirka la leh ee chloroquine), waxaana la tijaabinayaa in ay wax ku ool yihiin oo lagu daweyn karo coronavirus.

Yaa walaac ka muujiyay isticmaalka dawadan?

Daraasado ku saabsan arrintan ayaa hadda socda, kuwaasoo lagu ogaanayo in dawada malaariyada ee loo yaqaanno chloroquine ay waxtar u leedahay Covid-19.

Laakiin Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in dadka qaar ay si iskood ah u isticmaalayaan ayna dhibaato weyn kala kulmayaan.

Walwalkan dhinaca badbaadada ah ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii uu ka hadlay sarkaal sare oo horay uga tirsanaan jiray waaxda adeegga caafimaadka ee Mareykanka.

Dr Rick Bright, oo bishii April laga qaaday xilkii uu hayay ee hoggaaminta howlaha soo saarista tallaalka, ayaa sheegay in tallaabada uu madaxweyne Trump xoogga ku saarayo dawadan “ay shaqada ka mashquulineyso tobannaan seynisyahan oo hoostaga laamaha dowladda federaalka”.

Kaddib markii uu madaxweynaha Mareykanka ku dhawaaqay in dawada Malaariyada looga bogsoon karo fayraska, waxaa sare u kacay dalabka ka imaanaya daafaha dunida.

Maxaan ka naqaannaa dawooyinkan?

Mr Trump wuxuu marar badan “wax tarka ay dawadan u leedahay coronavirus” ku sheegay shirarka jaraa’id ee uu ku qabanayay Aqalka Cad, wuxuuna yiri: “Maxay kaa dhibeysaa? isticmaal.”

Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa isagana sheegay in dawada loo adeegsado Malaariyada ay meel kasta ka shaqeyneyso, inkastoo hadalkaas ay shirkadda Facebook meesha ka saartay, maadaama ay sheegtay inuu hareer marayo sharciga ay kula dagaallameyso faafinta xogta marin habaabinta ah.

Wixii ka dambeeyay hadalkii uu madaxweyne Trump arrintaas ku sheegay dabayaaqadii bishii March, waxaa jiray sare u kac weyn oo lagu soo warramay inuu ku yimid isticmaalka dawada malaariyada ee gudaha Mareykanka, inkastoo dalabkaas uu markii dambe hoos u dhacay.

Kaniinnada ka sameysan maaddada chloroquine-ta waxaa muddo dheer loo isticmaalayay in lagu daweeyo xanuunka ay kaneecada sababto ee malaariyada, si loogu dhimo qandhada iyo kuleyka xad-dhaafka ah, rajaduna waxay tahay inay dawaasi sidoo kale ula tacaali karto faraska dhaliya cudurka Covid-19.

Ma jirto caddeyn ku filan oo lagu helay tijaabooyinka ilaa hadda lagu sameeyay waxtarka kaniinnadaas iyo sida ay u caawin karaan bukaannada qaba coronavirus.

Waxaa kale oo jirta khatar weyn oo ku saabsan inay waxyeello sababi karaan, waxaana ka mid ah dhaawacyo soo gaari kara kalyaha iyo beerka.

“Waxaan u baahan nahay tijaabooyin caafimaad oo waaweyn si aan cabir sax ah ugu sameyno saameynta ka imaan karta,” ayuu yiri Kome Gbinigie, oo ah qoraaga daraasadaha ku saabsan Covid-19 ee Jaamacadda Oxford.

In ka badan 20 tijaabo ayaa la sameeyay. Meelaha laga sameeyay waxaa ka mid ah Mareykanka, UK, Spain iyo Shiinaha.

Dalka Mareykanka tijaabooyin badan ayaa ka socda si loo ogaado wax tarka dawooyin la isku daray oo ay ku jiraan hydroxychloroquine iyo qallajiyeyaal lagu magacaabo azithromycin, kuwaasoo la eegayo inay daweyn karaan bukaannada Covid-19.

Waddamadee fasaxay in la isticmaalo?

Dabayaaqadii March, laanta maamulka cuntada iyo dawooyinka ee Mareykanka (FDA) waxay fasaxday “in si deg deg ah loo isticmaali karo” marka lagula tacaalayo qaar ka mid ah bukaannada ay xaaladdoodu aadka u liidato ee la geeyo qaar ka mid ah isbitaallada.

 

Taasi micnaheeda ma aha in laanta FDA ay leedahay dawadaas wax ayey tareysaa. Laakiin waxay ka dhigan tahay in loo adeegsado xaalado gaar ah.

Isbitaallada ayaa codsan kara, oo istcimaali kara dawooyinkaas, iyagoo ka helaya bakhaarrada dowladda ee laga soo saaro dawooyinka lagula tacaalo bukaannada Covid-19.

Laakiin 24-kii April, FDA, oo shatiga siisa dawooyinka laga isticmaalo Mareykanka, ayaa sidoo kale soo saartay digniin ku saabsan khatarta laga dhaxli karo dawooyinkaas, maadaama la soo tabiyay dad isticmaalay oo lagu arkayo xanuunno.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in 30 milyan oo xirmo oo dawadaas ah ay dalkooda ugu deeqday shirkad laga leeyahay Jarmalka.

Dalal kale ayaa dawadan malaariyada loogu talagalay u fasaxaya in loo adeegsado xaaladaha qaarkood.

Faransiiska ayaa u oggolaaday dhakhaatiirtiisa inay u adeegsadaan bukaannada qaba Covid-19, laakiin hay’adda kormeerka dawooyinka ee dalkaas ayaa ka digtay saameynta ka dhalan karta.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Hindiya ayaa iyaduna ku talisay in ka hortagga coronavirus loo isticmaalo dawada hydroxychloroquine, islamarkaana la siiyo shaqaalaha caafimaadka.

Hindiya waxay ka mid tahay dalalka soo saara tirada ugu badan ee dawada malaariyada.

Dalal ay ka mid yihiin Urdun iyo Kenya ayaase mamnuucay in dawada malaariyada loo adeegsado bukaannada qaba cudurka Covid-19.

Be the first to comment