“Maxamed Bakaal Cirro Cidna Kama Saari Karto Hargeysa” – Abwaan Ka Gilgishay Fal Lagula Kacay Fannaanka CIRRO

Hargeysa (Jigjigaonline) – Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa si adag uga hadlay arrin labadii maalmood ee ugu dambeeyey si weyn layskula dhex marayey oo ku saabsanayd Fannaanka Maxamed Cabdi Bakaal (Cirro) oo sheegay in magaalada Hargeysa gudaheeda lagu cunsuriyeeyey.

Cirro ayaa qoraal uu Axaddii ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay hadal u muuqday in loogu hanjabay magaalada Hargeysa dhexdeeda isla markaana loo sheegay inuu iskaga baxo maadaama aanu hayb ahaan kasoo jeedin.

Abwaan Weedhsame oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa arrintaas ku tilmaamay wax aan la aqbali karin, waxaanu dalbaday in baadhitaan ay Dawladdu ku samayso, isagoo geesta kalena xusay in Cirro uu yahay fannaan reer Hargeysa oo aanay cidina cunsuriyadayn karaynin.

Halkan ka daawo abwaanka oo arrintaas ka hadlaya: