Maxaad ka taqaanaa tuulada ‘ashqaraarka leh ‘ ee dalkeedii ka soocantay?

Turtuk waxay qeyb ka ahayd dalka Pakistan ilaa 1971,-dii markaas oo ciidanka Hindiya ay qabsadeen tuulada intii u socday dagaal xadduuded eek a dhacay khadka kala qeybiya labada dal.

Turtuk aad bay u adagtahay in la tago, bugcaddan yar waxa ay ku taalaa dhammaadka fog ee dooxada Ladakh ee Nubra ee woqooyiga Hindiya. Waxaa mara webiga Shyok iyo buuraha dhaadheer ee silsiladd buuralayda Karakoram. Waxaa ku hareereysan dhagxaan soo ruqruqaysa , waxaana jirta hal waddo oo laga galo, loogana boxo.

Waxaase muuqaalkeeda ka xiiso badan taariikhdeeda la yaabka leh, oo ah in ay tahay tuulo dalkeedii ka luntay.

Halka intiisa kale gobolka Ladakh ay degaan dad haysta diinta Buudiistaha ee loo yaqaan Tibetans, tuuladan Turtuk waxaa dega qoowmiyadda dadka reer Baltis oo ah dad muslimiin ah , waxayna isku dhaqan yihiin bulshada ay isku isirka yihiin ee degen gudaha dalka Pakistan.

Xaqiiqdii Turtuk waxay qayb ka ahayd Pakistan ilaa 1971, -dii markaas oo ciidamadii Hindiya ay qabsadeen intii lagu guda jiray dagaal xuduudeed o ay kula dagaallamayeen kuwa Pakistan Khadka kala qeybiya labada dal Xakamaynta, oo ah khadka muranka badan dhaliyay ee ka socda meelaha ugu sarreeya uguna adag ee buuraleyda.

Soohdin ayaa kala qeybisa

Hindiya waligeed maysan soo celin tuulada sababtoo ah walaac laga qabo amniga xudduudaha. Dadka u dhashay oo ku maqnaa booqashada asxaabtooda ama arrimo shaqo maalintaas la qabsanayay, waligood dib dambe uguma aysan soo laabanin halkan. Hindiya ayaa xirtay aagga oo si joogto ah. Si kastaba ha noqotee, aagga xadka ayaa xasilloonaa tobankii sano ee la soo dhaafay, iyada oo 2010 -kii Turtuk loo furey in ay dalxiisayaasha tagi karaan. Dadka meesha degen waxa ay guryaha ka dhistaan dhagxaan, iyaga oo beeraha ku waraabsada habka waraabka oo qadiimi ah.

Hab dabiici ah oo jawi qaboojin ah

Turtuk waxa ay ku taalaa bugcad aad u hooseysa marka laga hadlayo kala saraynta dhulka, taas oo ka dhigan in xilliyada kuleelaha uu halkan heerkulka gaari karo meelaha ugu sareeya, sidaasi darteed dadka deegaanka waxa ay isticmaalaan nooc dhagaxa ka mid ah oo soo jiidaya jawi qaboow oo la dugaashan karo.

Habkan dabiiciga ah ee qaboow ayaa waxa uu xitaa u suurtogaliyay in ay ku kaydsadaan hilibka, qudaarta iyo waxyaabaha kale ee uu kuleelka durba qurmin karo.

Hadhka qaboow

Waxaa meeshan ka baxa geedo u eg nooca baxarsaafka, kuwaas oo leg hadh qaboow, hase yeeshee waxa kale oo ay beertaan nooc qamadiga ka mid ah.

Waxa kale oo ay bulshadan beerataa nooc ka mid ah looska oo ay tuuladan aad caan ugu tahay.

Shaqada tabcashadu aad ayay u adagtahay, hase yeeshee sannadkii oo dhan dalag ayay soo gurtaan, waana dhul barwaaqo ah marka lala barbardhig buuraha qarfaha ah ee ku xeeran.

In kasta oo ay jirto xaqiiqda ah in Hindiya iyo Pakistan ay wali ku muransan yihiin Kashmir, nolosha halkan si nabadgelyo ah ayay ugu jirtaa. Dadka tuulo joogga ah waxaa la siiyay kaararka qoonsiga Hindiya waxaana laga muwaadiniin kadib la wareegistii 1971, -dii iyo dabcan dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu casriyaynayo dooxada Nubra, waxaa loo samaynayaa waddooyinka wanaagsan, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka, iyo sidoo kale kor u qaadista dalxiis oo ka dhigan in waqtiyo badan oo barwaaqo ah uu kusoo fool leeyahay Turtuk.

Dad dhaqankooda ku dhegan

Si kastaba ha noqotee, lama dareemayo in meel Hindiya ka mid ah la joogo. Dhirta meeshan ka baxday, masaajidada Noorbakshi, guryaha dhagaxa ah iyo kanaalada waraabka – iyo sidoo kale suxuunta dhaqameedyada Balti oo lagu dubo hilibka loo yaqaan ‘yukat’, hilib khudaar iyo ‘balay’, oo ah maraq ay ku jiraan baastada waaweyn – waxay tuulada ka dhigayaan mid dhaqan ahaan weli ku xiran bulsho weynta Baltik ee Pakistan.

Xilliga Dayrta

Tuuladu waxay si gaar ah ayay u qurxoon tahay xilliga deyrta, marka safka geedaha ubaxa ay midabkooda beddelaan oo ay bixitaan ubaxyo wanaagsan, taas oo bedesha muuqaalka il qabadka leh. In kasta oo tuulooyinka kale ee ku yaala dooxaha Nubra ay dhagxaan ka samaysanyihiin, ma jirto mid u dhiganta Turtuk marka la eego sida lakabyada dhadhaabta isu dulsaaranyihiin iyo noocyadooda kala duwan. Xitaa waxa ay adkaysi u leeyihiin dhul gariirada had iyo jeeraale ku dhufta dhulkan.

Meeshani ma ahan oo kaliya goob dadka ay barteen sidii nabad ugu wada noolaan lahaayeen, iyaga oo ku jira duruufo adag, ee sidoo kale waa meel kobaceeda iyo kor u kaceeda uu badanyahay.

Kobac

Dadkan waxa ay weli daacad u yihiin cuntooyinkoodii dhaqanka, iyo waxyaabihii asalka ahaa inkasta oo ay lumiyeen dalkoodii. Haddana waaba kuwa ka fikiraya mustaqbalka maadaamaa adduunka oo dhan uu soo booqanayo.