Maxaad Ka Taqaan Awoodda Milatri Ee Dalalka Soomaaliya, Itoobiya Iyo Kenya? | Qiimaynta GFP Ee 2020

Muqdisho (JO)- Hay’adda Qiimaysa Awoodda Milatari iyo Hub ee dunida ee Global Fire Power oo sannad walba qiimayn ku samaysa awoodda Milatari ee dalalka Adduunka ayaa sannadkan soo saartay awoodda Ciidan ee inta badan dalalka Dunida.

waxa aynu qaybtan si gaar ah igu eegi doonaa qiimaynta GFP ay ku samaysay awoodda cudud ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya oo ka mid ah dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Soomaaliya waxa ay kaalinta 136aad kaga jirtaa liiska 195-ka waddan ee dunida. Waxaanay ka sarraysaa dalal ay ka mid yihiin Laybeeriya iyo Buutaan. Halka ay kala sarraynta dalalka Afrika ee qiimaynta Milatari lagu sameeyey ay kaga jirto kaalinta 34aad waxaana kaliya ka hoosaysa dalalka Afrika dalka Laybeeriya. Waxa xusid mudan in Itoobiya kaalinta 60aad kaga jirto liiska adduunka sidoo kale ay kaalinta 7aad kaga jirto liiska dalalka Afrika halka Kenya ay kaalinta 84aad kaga jirto adduunka oo dhan halka ay kaalinta 12aad kaga jirto dalalka Afrika.

Halkan Ka Daawo Warbixintan:

Be the first to comment