Maxaad Ka Ogtahay Shaqooyinkii Uu Xasan Daadhi U Qaban Jiray TPLF, Muxuuse Ku Sallaysan Yahay Kacdoonka Lagaga Soo Horjeedaa?

Jigjiga (JO) – Maalmihii ugu dambeeyey waxa baraha bulshada gilgilay kacdoon ka dhan ah wasiirka Madaxtooyada Deegaanka Soomaalida oo ay samaynayeen hal-doorka iyo dhallinyarada oo cabasho ka muujinayay hab-dhaqan fool xun oo uu ku kacay wasiirku.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyey inuu ixtiraam darro u muujiyey dadka uu ku metelo xilka uu hayo ee uu Madaxweyne Mustafe kasoo dhex-doortay, kuwaas oo uu ka duudsiyey xuquuqihii aas-aasiga ahaa ee ay dawladda uga baahnaayeen, iyadoo uu noqday gidaar isku gudbay wax kasta oo ay heli lahaayeen.

Xasan Daadhi oo ka mid ah xubnaha ugu dhagaha nugul ee uu haysto Mustafe Cagjar, ayaa waxa la sheegay inuu kaga faano madaxtooyada dhexdeeda, in gobollada uu metelo uu geed ku xidhay oo uu gaadhsiiyey heer aanay xataa dalban karin adeegyada aasaasiga ah, si la mid ah shacabka kale ee deegaanka.

Wasiirka ayaa dhallinyarada waxa uu kala dagaallamayaa shaqooyinka, ilaha dhaqaale ay ka heli karayaan iyo fursad kasta oo ay kula tartami karayaan lodkooda kasoo jeeda gobollada kale.

Madaxweyne Mustafe ayay hore aqoonyahan iyo dad kale ka dalbadeen inuu wax ka qabto duudsiga uu Xasan Daadhi ku hayo dadkiisa oo uu doonayo inay qol ugu xeraysnaadaan, sida uu doonayana uu ula dhaqmo, laakiin Madaxweynaha ayaa kaga jawaabay in shaqadii uu u dirsaday uu hayo.

Wasiirka Madaxtooyada oo rikoodhkiisii hore ee taariikeed uu ahaa mid aan wanaagsanayn, tacaddiyo badan usoo geystay shacabka Soomaaliyeed, JigjigOnline na ay soo bandhigi karto haddii loo baahdo xogtiisa illaa waqtigii uu ka tirsanaa ururkii Itixaad, xabaalihii uu soo faqay, sidii uu isagoo maxbuus ah ku galay waxbarashada Civil Service ee Tigray gu ugu soo carbiyeen, shaqooyinkii qarsoonaa ee u qaban jiray illaa heer lasoo gaadhsiiyo inuu maamulka qayb ka noqdo, waxa uu haddana wali kusii taagan yahay dhibaatada dadkii ay ahayd inuu garabkooda taagnaado ee uu wax la qabto.

Be the first to comment