Maxaa taliyahan dagaalka ku jira ku qasbay in “canshuurta Al-Shabaab uu bixiyo”?

Deegaannada ay gacanta ku hayaan al-Shabab, dad kooxdan jihaad doonka ah u qaabilsan canshuur aruurinta ayaa si toos ah u taga dukaamada iyo meheradaha kale ee ganacsiga, iyagoo ka dalbanaya lacago.

Taliye ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyay sida “uu lacag ugu diray al-Shabaab, waliba isagoo dagaal kula jira kooxdaas”.

Askarigan wuxuu sheegay in nin gurigiisa u dhisayay uu joojiyay shaqada dhismaha, uuna isaga tagay kaddib markii taliyaha uu diiday inuu bixiyo lacagta ay rabto kooxda mayalka adag.

Gaadiidkii qalabka dhismaha usoo qaadayay ayaa sidoo kale shaqadii joojiyay, maadaama iyaga laftooda laga dalbaday inay lacago bixiyaan.

“Ugu dambeyn waxaan ku khasbanaaday inaan iska dhaafo dhismaha guriga ama aan lacagta siiyo Al-Shabaab,” ayuu yidhi taliyaha.

“Waxaan ka qoomameynayaa inaan siiyay lacag dhan $3,600 (£2,750), sidaas ayaana lagu dhammeystiray dhismihii aan rabay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Warbixinta lagu soo qaatay qisada taliyahan ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda jihaad doonka ah ay si gaar ah isha ugu hayaan mar walbana ula socdaan dhismeyaasha guryaha, si la mid ah sida ay ula socdaan badeecooyinka lasoo dhoofiyo ee ay canshuurta ka qaataan.

Mid ka mid ah wakiillada shirkadaha guryaha dhisa, oo ku sugan magaalo xeebeedka koonfurta Soomaaliya ee Kismaayo, ayaa faahfaahiyay sida saaxiibbada ay isla shaqeeyaan ay ugu yeedheen al-Shabaab, “kaddibna u tuseen xog kasta oo ku saabsan lacagihii ay howlaha dhismaha ku kala wadeen sidaasna uga dalbadeen inay lacag loo cayimay bixiyaan – lacagta ay bixiyeenna waa intii ay al-Shabaab dalbatay oo aan waxba ka dhimaneyn”.

Al-Shabaab oo sheegata inay dowlad ahaan wax u maamusho, waa maamulka kaliya ee canshuurta kasoo aruuriya deegaannada miyiga fog ah.

Waxay lacago dul saaraan xoolaha, beeraha iyo xitaa ilaha biyaha laga helo, sida lagu sheegay warbixinta cusub.

Kooxdan ayaa u fasaxda bacriminta beeraha iyo isticmaalka kanaallada biyaha wabiga beeraleyda canshuurtooda bixisa oo kaliya.

“Qof beeraley ah ayaa lagu khasbay inuu bixiyo canshuurta gaarigiisa beerta fala, taasoo ah ‘canshuurta howsha’ xilli xitaa gaarigaas uusan wax shaqo ah heynin oo uu cillad awgeed u fadhiyo.”

‘Lacagta looma bixiyo si xor ah’

Inta badan dadka ganacsatada ah, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa kale ee lacagaha siiya al-Shabaab waxay cilmi-baadheyaaha hayadda Hiraal ee warbixintan soo saaray u sheegeen inay canshuurtaas u bixiyaan oo kaliya cabsi awgeed.

“Bixinta canshuurta al-shabaab ma aha wax aad si xor ah u bixineyso.”

Dadka diida inay iska dhiibaan qaarkood waa la dilay qaarna waxaa lagu kallifay inay ganacsiyadooda xiraan ama ka cararaan waddanka.

Qaarna waxay dareensan yihiin inay sax tahay lacagta ay Al-Shabaab siinayaan, iyagoo aaminsan in adeegyo loogu qabto.

Si ka duwan dowladda, kooxda Al-Shabaab waxay awooddaa inay si buuxda u sugto amniga meelaha ay ku talagalaan.

“Canshuurta lagu bixiyo meelaha ay jid gooyada u taallo al-Shabaab waxay sahli kartaa in si nabad ah lagu maro dhammaan dhulka ay iyagu gacanta ku hayaan ama ay dagaallameyaashoodu ku sugan yihiin.”

Hiraal waxay sheegtay in sida kaliya ee lagu joojin karo canshuur qaadista Al-Shabaab ay tahay in wax laga qabto xaaladda amniga, si markaas ay ganacsatada ugu shaqeystaan goobo aysan soo faragalin karin kooxahaas.

Hay’addan ayaa intaas ku dartay in hadda Al-Shabaab ay cashuur ahaan ugu soo xarooto lacag ka badan midda ay aruuriso dowladda federaalka Soomaaliya.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah madaxa machadka Hiraal oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in ay xogtooda ku saleeyeen wareysiyo ay la yeesheen dad kala duwan oo xitaa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Alshabaab.

“Dhammaan shirkadaha waaweyn waxay bixiyaan canshuuraha mujaahidiinta, oo ay kujirto tabarucaad sanadle ah oo boqolkiiba laba iyo bar faa’iidooyinka ay helaan,” ayuu yiri madaxa machadka Hiraal.

“Shaqaalaha dowladda, wakiillada guryaha, xitaa askarta dagaalka kula jirta Al Shabaab waxaa lagu helay in ay canshuuro siiyaan kooxaha kacdoonka wada.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Be the first to comment