Maxaa Ka Jira In Madaxweynihii Hore Ee DDS Cabdi Iley Uu Ka Mid Yahay Maxaabiista Cafiska Lagu Sii Deynayo?

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa cafis u fidiyey kumannaan maxaabiis ah oo ku xidhan jeelasha kala duwan ee dalka, kuwaas oo oodda laga soo qaadi doono maalmaha soo socda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee waddanka, Berhanu Tsegaye ayaa sheegay in 1,087 maxbuus ay dawladdu sii deyn doonto, waxaana tirada ugu badan ee maxaabiistaasi ku jiraan xabsiga Kaliti ee uu ku xidhan yahay madaxweynihii hore ee Dawladda Deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar.

Wali dawladdu may sheegin magacyada maxaabiista ku bixi doonta cafiska curashada sannadka cusub ee tirsiga Itoobiya, hase yeeshee, sida uu sharciga dalku dhigayo, waxay noqon doonaan maxaabiis u xidhan dembiyo fudud.

Dadka la sii deynayo oo dhamaantood ku xidhan Xabsiyada ay Dawladda Dhexe gacanta ku hayso ee ku yaalla Addis Ababa ayaa waxa uu xeer ilaaliyuhu ku dhawaaqay magacyada Jeelasha ay maxaabiistiisu nasiibka u yeesheen inay cafiska ku baxaan.

Jeelka Kaliti ee uu ku xidhan yahay Cabdi Iley ayaa nasiib u helay dadka labaad ee ugu badan ee la sii deynayo, waxaana laga fasixi doonaa 367 maxbuus, waxaana uu ku xigaa Shewa Rabit oo 439 laga soo deyn doono.

Maxaabiista kale ee la sii deynayo ayaa waxay ku jiraan Jeelka Ziway.

Arrintan ayaa waxay jaho-wareer ku abuurtay shacabka dalka oo maalmihii ugu dambeeyey hadal hayey magacyada suurtogalka ah ee la filayo inay kusoo bixi doonaan cafiska, kuwaas oo sida la saadaalinayo ay ka mid noqon doonaan siyaasiyiin.

Madaxweynihii hore ee DDS Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo ka tirsanaa xukuumaddiisii ayaa ka mid ah dadka ku xidhan jeelka Kaliti, waxaana hore uu uga codsaday Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed inuu cafis u fidiyo, isla markaana laga saamaxo dembiyadii uu geystay muddadii uu xilka hayey iyo kuwii ugu dambeeyey ee rabshadihii ka dhacay Jigjiga maalintii xilka laga qaadayey.

Idaacadda FANA ee ku hadasha afka Dawladda ayaa waxay tibaax ka bixisay kuwa ay noqon doonaan dadka cafiska kusoo baxaya, waxaanay xustay in sida sharciga dalku dhigayo loo raaci doono cafiska sannadka 2012 ee tirsiga Itoobiya.

Sharciga dalka ee cafiska xilliyada farxadda ayaa waxa uu dhigayaa in dadka dembiyada fudud galay oo kaliya lagu sii daayo, hase yeeshee dadka loo haysto dembiyada waaweyn sida dilalka oo ka mid ah kiisaska uu u xidhan yahay Cabdi Iley ayaan la ogolayn in si sahlan loo fasaxi karo.

Dhinaca kale, Dawladda Deegaanka Axmaarada ayaa waxay cafis u fidisay 4329 maxbuus oo 90 ka mid ah ay yihiin dumar.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnihii lala xidhay ee laga qabtay magaalada Jigjiga ayaan ka mid noqon doonin dadka cafiska lagu sii deyn doono.