Maxaa ka jira dhimashada hoggaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri?

Warbaahin kala duwan oo dhinaca internet-ka wax ku qora iyo wariyeyaal ayaa shaaciyay warar aan wali la xaqiijinin oo sheegaya geerida hoggaamiyaha shabakadda Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri, kaasoo ay sheegeen inuu muddo hal bil ah ka hor u geeriyooday “sababo dabiici ah.”

Warkan ayaa durba dhaliyay dood ku saabsan “sida wax looga qaban karo ururrada argagixisada iyo mustaqbalka kooxaha xagjirka ah”.

Maxaa run ka ah warkan?

Wariyaha lagu magacaabo Xasan Xasan, ayuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee barta Twitterka ku shaaciyay qoraallo xiriir ah oo uu ku sheegay “in warkan uu ku dhex wareegayo ilo ku dhow dhow hoggaamiyaha Al-Qaacida, warbaahinta qaarna ayba ku tilmaameen mid la xaqiijiyay.”

Wuxuu intaas ku daray in shabakado hoos taga Al-Qaacidda, oo uu ka mid yahay ururka la magac baxay “Ilaaliyeyaasha Diinta”, oo ah garab hubeysan oo ka tirsan Al-Qaacidada Suuriya, ay ku dhawaaqeen dhimashada Ayman al-Zawahiri.

Rita Katz, oo ah agaasimaha bogga internet-ka ee SITE, oo ah website la socda dhaqdhaqaaqa ururrada xagjirka ah, ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraallo badan oo ku saabsan warka sii faafaya ee la xiriira in hoggaamiyaha Al-Qaacida uu geeriyooday muddo bil ah ka hor, uuna u dhintay xanuun caadi ah. Laakiin waxay intaas ku dartay “in hayaddeedu aysan arrintaas wali si rasmi ah u xaqiijinin.”

Ma aha markii ugu horreysay ee la shaaciyo geerida qof caan ah oo ka tirsan shabakadda Al-Qaacidda, in muddo ah ayaana shaki laga muujinayay xaaladda caafimaad ee Al-Zawahiri.

Rita Katz waxay dib usoo celisay xasuusta ku saabsan marar badan oo ay warbaahinta ku dhawaaqeen dhimashada hoogaamiyeyaal caan ka ah kooxdaas, AlQaacidana ma aysan xaqiijinin ilaa ay dhowr bilood kasoo wareegtaan.

Waxay tiri: “Ururku wuxuu mar walba isku dayaa inuu qariyo dhimashada hoggaamiyeyaashiisa, mana xaqiijiyo ilaa laga gaadho waqtiga ku haboon.”

Wali ma cadda cidda baddali doonta al-Zawahiri, haddiiba geeridiisa la xaqiijiyo, sida ay sheegtay Rita Katz.

Ninkii labaad ee al-aacidda ka tirsan oo dhinta

Inkastoo aan wali la hubin warka ku saabsan geerida Al-Zawahiri, waxaa jiray warar iskhilaafsanaa oo sheegayay dhimashada hoggaamiyihii labaad ee IS, oo ku dhintay Iiraan. Warkaas oo lagu tilmaamay mid xaqiiqo ah ayaa si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha carabta ayaa abuuray dood ku saabsan in dhimashada Al-Zawahiri “ay aad u wiiqi karto saameynta ay ururrada xagjirka ah ku leeyihiin gobolka.”

Qaar kalena waxay ku adkeysteen in dhimashada Al-Zawahiri ay wax saameyn ah keeni karto, iyagoo ku doodaya in ururka Al-Qaacida uu horayba u wiiqmay markii la dilay hoggaamiyahoodii Usaama Bin Laadin.

Falanqeeyayaal kalena waxay sheegeen in dowladda Mareykanka ay Al-Qaacidda iska indho tirtay markii uu hoggaankeeda la wareegay Al-Zawahiri, sanadkii 2011-kii.

Warka ku saabsan geeridiisa ayaa soo baxay xilli wargeyska New York Times uu shaaciyay dhimashada ninkii labaad ee hadda ugu sarreeyay Al-Qaacida.

Wargeyska, oo soo xiganayay saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, ayaa sheegay in “Cabdullaahi Axmed Cabdullaahi, oo lagu naaneyso Abu Muhammad al-Masri, oo lagu eedeeyay inuu wax ka qorsheeyay qaraxyadii laga fuliyay safaaradaha Mareykanka ee Afrika 1998-kii, lagu dilay dalka Iiraan 7-dii bishii August. Dilkiisa waxaa fuliyay sirdoonka Israa’iil, sida uu wargeysku sheegay.

Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa beenisay sheegashada New York Times, waxayna ku tilmaantay war been abuur ah.

Waa kuma Al-Zawahiri?

Ayman Al-Zawahiri, oo u dhashay dalka Masar wuxuu gacan ka geystay dhismaha kooxaha Jihaad-doonka ah ee gudaha Masar.

Waxaa lagu tilmaami jiray inuu gacanta midig u ahaa Usaama Bin Laadin, uuna wax badan ka abuuray fikradda uu ku dhisnaa ururka Al-Qaacida.

Al-Zawahiri wuxuu waxbarashadiisa aasaasiga ah ku qaatay iskuulka Heliopolis, kaddibna wuxuu ku biiray jaamacadda Qaahira oo uu ka bartay cilmiga dhakhtarnimada ee qalliinka guud.

Ninkan wuxuu ururrada islaamiga ah ku biiray isagoo aad u da’ yar, wuxuuna tagay meelo kala duwan oo ay fariisimo ku lahaayeen, ilaa uu markii dambe saldhigyo ka sameystay dalalka Pakistan iyo Afghanistan.

Sannadihii uu midwgii Soviet ciidamadiisa kala baxayay Afghanista, al-Zawahiri wuxuu sida la aaminsan yahay ku noolaa dalalka Bulgaria, Denmark iyo Switzerland.

Mararka qaarna wuxuu baasaboorro been abuur ah u adeegsaday safarro uu ku tagay waddmada Balkans, Austria, Yemen, Iraq, Iran, iyo Philippines.

Xukuumadda Washington ayaa mar Al-Zawahiri u aqoonsatay qofka labaad ee loogu doon doonista badan yahay, marka laga soo tago qofka koowaad oo ahaa Bin Laadin.

Wuxuu kaalinta labaad uga jiray liiska dadka loo heystay mas’uuliyadda weerarradii 1998-kii laga fuliyay safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar Al-Salam.

Be the first to comment