Maxaa Fashilay Inqilaabkii Saraakiisha Reer Woqooyiga Ee 1961

Hargeysa (JO)- dabayaaqadii Sannadkii 1961 waddanka Soomaaliya gaar ahaan dhulkii woqooyi ee wakhtigaa oo imika ah Somaliland ka dhacay Inqilaab ay daadihinayeen saraakiil ka tirsanaa ciidamadii dalka Soomaaliya ee Milatariga ahaa kuwaasi oo u badnaa kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Woqooyiga.

Inqilaabkaasi ayaa fashilmay oo aanay u suurto galin saraakiishii hogaaminayay in ay gacanta ku dhigaan dhulka Woqooyi oo ay doonayeen wakhtigaasi in ay dib uga soo celiyaan israacii labada Gobol ee Woqooyi iyo Koonfur oo ay dawlad Rayid ahi wakhtigaasi dalka taladiisa haysay.

Siyaasi Ambassador Cawil Cali Ducaale waxa uu ka mid ahaa saraakiishii wakhtigaasi Inqilaabka wadday waxaanu ka warramayaa sida uu inqilaabkaasi u dhacay, cidda soo qaban qaabisay iyo sababta fashilkiisa.

Halkan ka daawo Muuqaalka Taariikhdaasi:

Be the first to comment