Masuul Ka Socda Dawladda Deegaanka Soomaalida Oo Ka Qayb-galay Shir Caalami Ah Lagaga Hadlayo Saxaafadda Bulshooyinka Kala-Qaybsan

Jigjiga (JigjigaOnline) – Xukuumadda Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa lagu casuumay shir caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha saxaafadda oo ka qabsoomay waddanka Ireland.

Shirkan oo soconaya laba maalmood ayaa waxa xukuumadda DDS uga qayb-gelaya Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafadda iyo Isgaadhsiinta Md. Mohamed Olad, waxaana si gaar ah loogu falan-qayn doonaa doorka iyo muhiimadda ay saxaafadda Madaxa-bannaan, dhexdhexaadka ah, anshaxa iyo caafimaadka qabtaa u leedahay bulshooyinka kala-qaybsanaantu ka dhex jirto.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda ICS, ayaa waxa Dawladda Deegaanka Soomaalidu ay nasiib u yeelatay in lagu marti-qaado.

Qoraal kooban oo Lataliye Mohamed Olad uu kasoo saaray shirkan oo maanta furmay, ayaa waxa uu ku yidhi: “Waxa uu ahaa shir heer-sare ah oo ay soo abaabuleen Social Change Inititive (SCI) oo ka dhacay Belfast. Door madax-bannaan, dhex-dhexaadka ah, akhlaaq suubban iyo warbaahin adag, waligeed kama noqonin lama huraan bulshadeenna, khaasatan wakhtigan xaasaasiga ah ee aan ku jirno marxaladda kala guurka ah ee furfurnnaanta iyo dimuquraadiyadda.”