Masar oo gacanta ku dhigtay nin ay dil ku sii xukuntay

Qaahira (JigjigaOnline) – Mid ka mid ah raggii ay Masar aadka u baadigoobaysay ee jihaad doonka ahaa ayaa gacanteeda soo galay, ka dib markii uu ku soo wareejiyay Khalifa Xaftar oo ah janaraal reer Liibiya ah.

Hisham al-Ashmawy oo horay uga mid noqday ciidammada khaaska ah dawladda Masar ayaa sannadkii hore lagu xiray dalka Liibiya.

Waxaa loo baadigoobayay weerarro dhawr ah oo lala xiriiriyay.

Weerarradaas waxaa ka mid ah weerarkii gaadmada ahaa ee khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday booliis ku sugnaa saxaraha Galbeed ee Masar muddo haatan labo sano laga joogo.

Waxaa kale oo loo haystaa weerar kale oo lagu qaaday ilaalo ku sugnayd xadka Liibiya sannadkii 2014.

Isaga oo maqan ayay maxkamad Masar ku taalla ku xukuntay dil

Hisham al-Ashmawy ayaa la soo wareejiyay ka dib markii madaxa sirdoonka Masar uu booqday Janaraal Khalifa Xaftar.