Mark Lawrenson Oo Soo Saaray Saadaashiisa Kulamada 29aad Ee Premier League – Muxuu Ka Yidhi Man United vs Man City & Chelsea vs Everton?

Horyaalka kubadda cagta Ingiriiska ee Premier League ayaa galay usbuucii 29aad waxaana doorkan ballansan naadiyo waaweyn oo natiijooyinkoodu reebi doonaan hadal-hayn iyo saamayn la xidhiidha halka ay kaga dhamaysan doonaan tartanka.

Manchester United oo u ordaysa kaalinta afraad inay ku qabsato Chelsea ayaa waxay garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doontaa naadiga ay isku magaalada yihiin ee Manchester City oo xoreysatay booska kaalinta labaad, waxaana Red Devils ay u baahan tahay guul weyn oo ay ku gaadho Old Trafford.

Kooxda tababare Ole Gunnar Solskjaer oo barbarro 1-1 ah lasoo gashay Everton kulankii Goodison Park oo uu qalad weyn sameeyey goolhaye David de Gea, waxay xili ciyaareedkan horraantiisii noqotay naadigii niyadda ka jabiyey Manchester City ee 2-0-ka kusoo garaacay Etihad, guul-darradaas oo sabab u noqotay inuu jabo hammigii ay ku eryan lahaayeen Liverpool oo 22 dhibcood hoggaanka ku haysa.

Ciyaar kale oo muhiim ah waxay dhex mari doontaa Chelsea oo garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabbili doonta Everton, waxaanay labada naadiba raadin doonaan guul, iyadoo Blues ay wax walba u samayn doonto sidii ay usii xajisan lahayd booska afraad oo guul-darro u sababi karto in lagu soo dhowaado iyo Everton oo uu hoggaaminayo macallinkii hore ee Chelsea ee Carlo Ancelotti oo ku hamiyaya inuu ugu yaraan Europa League usoo saaro kooxdiisa.

Liverpool oo hoggaanka haysa, kulankii ugu dambeeyey ee Premier League na ay Watford xasuuq u geysatay, kana jabisay rikoodhkii guul-darro la’aanta iyo Chelsea oo si xun ugu jarjartay Stamford Bridge oo ka reebtay FA Cup, waxay garoonkeeda Anfield kusoo dhoweyn doontaa Sabtida Bournemouth.

Kulamada horyaalka Premier League ee usbuucan, waxa sidii aynu uga baranay saadaaliyey khabiirka BBC Sports ee Mark Lawrenson, waxaanu si gaar ah u dul-istaagay kulanka Manchester derby oo labada kooxoodba uu guul u diiday.

Khabiirku waxa uu sheegay in saadaashu u badan tahay inay barbarro kusoo dhamaato ciyaartaasi, laakiin Chelsea ayuu farxaddii ugu weynayd ugu sii bushaareeyey, waxaanu u sheegay inay guul weyn oo 2-0 ah heli doonto, isla markaana kasii fogaan doonto Manchester United marka ay doorkanna barbarraha gasho.

Tottenham ayuu Mark Lawrenson u saadaaliyey guul-darro sabab u noqota in xaaladdu kusii xumaato Jose Mourinho, laakiin Mikel Arteta iyo naadigiisa ayuu uga dhaartay guul marka ay garoonkooda Emirates kusoo dhoweeyaan West Ham United.

Saadaasha Khabiirka BBC Sports Mark Lawrenson  oo dhamaystiran

Sabtida

Liverpool 3-0 Bournemouth

Arsenal 1-1 West Ham

Crystal Palace 1-0 Watford

Sheffield United 2-0 Norwich

Southampton 0-1 Newcastle

Wolves 2-0 Brighton

Burnley 2-0 Tottenham

Axadda

Chelsea 2-0 Everton

Manchester United 1-1 Manchester City

Isniinta

Leicester City 2-0 Aston Villa