Maraykanka Oo Si Buuxda Uga War Helay Ciidamada Iran Oo Hawlgal Xaasaasi Ah Fulinaya

Tehran (Jigjigaonline) – Milatariga Maraykanka ayaa baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo ciidammada sida gaarka ah u tabaran ee Iiraan oo miino aan qarxin ka fujinaya markab shidaalka qaada oo Khamiistii lagu waxyeelleeyay Gacanka Cumaan.

Maraykanka ayaa sidoo kale baahiyay muuqaal muujinaya markabka Japan laga leeyahay ka hor inta aan laga fujin miinada qarxi weyday.

Weerarrada qaraxa ah ayaa sidoo kale lala beegsaday markab Norway laga leeyahay.

Xukuumadda Washington ayaa ku eedaysay Iran inay ka dambeyso weerarradaasi, balse xukuumadda Tehran ayaa si buuxda u beenisay eedeymahaasi.

Qaraxyada ayaa ku soo beegmay bil ka dib markii afar markab oo kuwa shidaalka qaada ah lagu waxyeelleeyay weerarro ka dhacay xeebaha Isutagga Imaaraadka Carabta.

Maraykanka ayaa sidoo kale weerarradaasi ku eedeeyay Iran, walow aanu soo bandhigin caddeyn. Iiraan ayaa dhankeeda beenisay eedeyntaasi.

Xiisadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa aad sare ugu kacday tan iyo markii uu xukunka Maraykanka la wareegay madaxweyne Donald Trump sannadkii 2017.

Trump ayaa ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee uu Obama la galay Tehran, waxaana uu cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogay Iiraan.

Sicirka shidaalka ayaa boqolkiiba afar sare u kacay ka dib dhacdadii shalay.

Gacanka Cumaan ayaa waxaa sannadkiiba mara saddex meelood meel guud ahaan shidaalka lagu safriyo badaha caalamka.

Hoos ka daawo muuqaalka.