Maleeshiyo Cafar Ah Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Allaale Ee Gobolka Siti

Dire Dhaba (Jigjigaonline) – Maleeshiyo ka tirsan qowmiyadda Cafarta ayaa la sheegay in gellinkii dambe ee shalay ay weerar ku qaadeen tuulada Allaale oo u dhow Cadhaytu oo dhawaan ay xukuumadda Dawladda Deegaanku baabi’isay heshiiskii lagu siiyey Cafarta.

Tuulada Allaale oo ku dhowaad 40 km u jirta Cadhaytu ayaa waxa duullaan kusoo qaaday Maleeshiyo hubaysan oo Cafar ah, waxaanay halkaas ku dileen laba qof oo shacab ah iyo saddex kale oo dhaawacyo soo gaadheen.

Ma jirto cid ka tirsan maamulka Gobolka Siti iyo xukuumadda DDS oo ka hadashay arrintan, hase yeeshee tuulada Allaale oo ka arradan adeegga isgaadhsiinta ayay adag tahay in xaaladdeeda dhabta ah la ogaado.

Dad goob-joogeyaal ah oo ku sugan Cadhaytu ayaa warbaahinta SDM oo aanu warkan kasoo xiganay u xaqiijiyey in dadkii dhaawacu kasoo gaadhay duullaanka Cafarta lagu soo qaaday dameero oo lagu geeyey Cadhaytu.

Warar kale oo aan la xaqiijinin ayaa waxay sheegayaan in maanta ay mar kale maleeshiyaad Cafar ahi weerarro kusoo qaadeen isla tuuladii ay shalay dadka ku laayeen.

Be the first to comment