Madaxweyneyaasha Soomaalida Iyo Oromada Oo Maanta Gaadhay Dhagax-buur Iyo Nuxurka Kulamadii Ay La Yeesheen Bulshada

Dhagaxbuur (Jigjigaonline) – Waxaa maanta si qurux badan loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar wufuud balaadhan oo uu hogaamiyay madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar oo ay ku wehelinayaan madaxwaynaha deegaanka Oromiya, Shimeles Abdissa iyo qaarka mid ah ergooyinkii ka soo qaybgalay kulan waynihii wadatashiga deegaanada Soomalida iyo Oromada ee ka dhacay Jigjiga.

Labada madaxwayne iyo waftigan ay hogaaminayeen ayaa soo dhawayn ka dib, kulan balaadhan la yeeshay maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada dhagaxbuur.

Waxaana kulankan furay madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar oo sheegay in uu kalankan qayb ka yahay kulamada lagu sii xoojinayo xidhiidhka iskaashi, walaaltinimo iyo daris wanaagga ee labada deegaan oo xiliyadii hore la kala dhexdhigay colaad wiiqday xidhiidhkii wanaagsanaa soo-jireenka ee labada deegaan.

Dhankiisa madaxwaynaha Oromiya mudane Shimeles Abdissa oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa u mahad celiyay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Dhagaxbuur sida ay ugu soo dhaweeyeen magaalada dhagaxbuur wuxuuna sheegay in ay Oromada iyo Soomaalidu waligoodba lahaayeen xidhiidh wada dhalasho oo qoto dheer islamarkaana soo jireen ah, loona baahan yahay in la turxaan tiro lana sii xoojiyo xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya labada ummadood.