Madaxweyneyaasha Dawladda Deegaanka Soomaalida Iyo Puntland Oo Kulmay

Addis Ababa (JigjigaOnline) –  Madaxweynaha Dawladda deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo dhiggiisa Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Kulankan oo ahaa mid casho ah ayaa noqday midkii ugu horreeyey ee labada madaxweyne ay isku arkaan intii ay xilka DDS iyo Puntland hayeen.

Kulankan oo ku soo beegmay hal maalin kaddib markii Ciidamada Ammaanku ay deegaannada xuduudka ee Itoobiya iyo Somaliya, gaar ahaan Puntland kasoo qabteen dambiile Xasan Dheere, ayaa waxa la sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa walaalnimada Soomaaliyeed ee ka dhaxaysa guud ahaan Soomaalida.

Waxa kale oo ay isla soo qaadeen arrimo la xidhiidha ganacsiga, wada-shaqayn dhow oo dhex marta labada dhinac iyo in laga baaqsado wax kasta oo Soomaalida kala qoqobaya.

Tan iyo intii uu xilka madaxweynaha DDS uu qabtay madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxa Soomaalida u baryay waa cusub, waxaana bilaabmay xidhiidho dhow oo uu la yeeshay madaxda dhamaan Soomaalida.