Madaxweyne Xigeenka D.D.S Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Golaha Sare Ee Ethiopia

Aaden Faarah ayaa noqonaya bedelka gudoomiyihii hore ee Golaha Sare Khayriya Ibraahim oo xilka iska casishay.

Golaha sare ee dowladda Federaalka Ethiopia ayaa doortay Af-hayeen cusub Arbacadii maanta.

Cod aqlabiyad ah ayay xubnaha golaha sarre ee shacabka Ethiopia ugu doorteen, Madaxweyne xigeenka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, mudane, Aadan Faarax, inuu noqdo gudoomiyah Golaha.

Mudane Aaden, ayaa xilka ka bedeli doona, af-hayeenkii isaga ka horeeyey ee Kheyriya Ibraahim oo xilka soo haysay tan iyo bishii April 2018, ilaa isniintii doraad ahayd oo ay xilka iska casishay.

Xubnaha Golaha sare ee Ethiopia, oo tiradoodu dhan tahay 112 qof, waxa kale oo ay mudo kordhin u sameeyeen, Ra’iisal wasaare abiye Ahmed, ilaa doorashooyin dambe wadanka ka dhacayaan.


“Waxaan Xilka Iskaga Casilay Si Aanan Garab Ugu Noqonin Dawlad Kalitalis Ah Oo Dhismaysa” – Afhayeenka Aqalka Sare Ee Itoobiya Oo Hadashay


Marwo Khayriya Ibraahim oo ka hadashay sababta ay xilka isaga casishay ayaa tidhi. ” “Koox kelitalis ah oo malinwalba dastuurka dalka ku xadgudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi”,

Waxaa laga cabsi qabay qalalaase siyaasadeed oo ay sababto doorashooyin wadanka ka dhaca, kuwaas oo mudaysnaa inay qabsoomaan Bisha August laakiin dib ugu dhacay, dhibaatada Xanuunka Covid-19 awgeed.

 

Be the first to comment