Madaxweynaha Ruushka Oo Shaaciyey In $16 Bilyan Oo Deyn Ah Uu Ka Cafiyayo Afrika – Imisa Ayuu Ruushku Ku Lahaa Itoobiya?

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin ayaa Isniintii shaaciyey in waddankiisu uu si degdeg ah uga dalalka Afrika uga cafiyi doono deyntii uu u lahaa.

Waddanka Ruushka ayaa waxa uu qaaradda Afrika ku leeyahay lacag ka badan $16 bilyan, taas oo gebi ahaanba uu ka saamixi doono.

Putin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Sochi oo uu ka socdo shirka Ruushka iyo Afrika oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee waddamadan dhex-mara, ayaa waxa uu farxad geliyey hoggaamiyeyaasha qaaradda Madow ka hor intii aanu shirkuba furmin.

Ruushka ooh ore uga dhaafay qaaradda Afrika lacag ka badan $20 bilyan ayaa waxa uu mar kale sheegay inuu saamixi doono $16 bilyan oo kale.

Waddanka Itoobiya ayaa noqon doona dalka lacagta ugu badan ee deynta ah laga dhaafi doono, waxaana halkaas ku sugan Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed Salaasadii gaadhay magaalada Sochi ee uu shirku ka dhacayo.

Madaxweynaha Ruushka oo si gaar ah usoo hadal-qaaday dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegay inay si dhakhso ah u saamixi doonaan $163.6 milyan oo ay ku leeyihiin Itoobiya, halka Mozambique, Madagascar iyo Tanzania mar horeba laga cafiyey.

Ruushka ayaa waxa uu ka dhaafay Mozambique $40 milyan, halka uu Madacascar ka saamaxayy $89 milyan.