Madaxweyne Mustafe Oo Shaaciyey Arrimo Muhiim Ah Oo U Qabsoomay, Lacago Lala Baxsaday Iyo Dood 7 Bilood Ka Taagnayd Shidaalka DDS

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in sannadkii uu xilka hayey uu fuliyey mashaariic aan muddo soddon sannadood ah laga qabanin DDS.

Madaxwene Mustafe Muxumed Cumar oo ka hadlayey shir ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada, ayaa waxa uu shaaciyey in qayb ka mid ah miisaaniyaddii sannadkii hore lala baxsaday, lacago badanna si sharci darro ah qaddimaad loogu sii siiyey mashaariic xukunkii Cabdi Iley siyaabo qaldan u bixiyey muddadii labada bilood ahayd ee miisaaniyaddu sii shaqaysay ka hor intii aanu isagu xilka qabanin.

Madaxweyne Mustafe waxa uu tilmaamay in muddo toddoba bilood ah ay dood ka taagnayd saamiga uu deegaanku ka helayo shidaalka la qodayo, laakiin ay ugu dambayn ku guuleysteen in 50% loo ogolaado.

“Waxaanu anagu aaminsanahay in wax badan hagaageen muddadii sannadka ahayd xagga siyaasadda laga bilaabo heer wasiir illaa heerarka kala duwan. Xagga ammaanka, in isbeddelkii lagu sameeyey ciidamada Liyuu Boolisku in xuquuqal insaanka iyo sharciga u hoggaansamaan oo ay bartaan, badankoodiina hadda waxbarasho rasmi ah ayaa loo bilaabay mar haddii aanay dagaal ku jirin oo ay waqti heleen. Dhinaca xuquuqaha Soomaalida, in mashaariic heer federaal ah oo maantadan laygala soo hadlayey in toddoba waddo oo waaweyn oo laami ah oo lagu sii bilaabayo afar ka mid ah oo uu ka mid yahay jidka weyn ee Jigjiga ku wareega oo illaa lix haad noqonaya.”Ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in warbaahinta aanay usoo bandhigin arrimo waaweyn oo u qabsoomay iyo dodo ka jiray Addis Ababa oo ay ka mid tahay saami-qaybiga shidaalka oo dhokumentiyadii u horreeyey ay gacanta kusoo dhigeen, waxaanu yidhi: “Doodo fara badan ayaa Addis Ababa ka jiray. Dhinaca arrimaha shidaalka oo 50% uu qaatay toddoba bilood oo wada-xaajood ah ayaanu meesha u joognay ayaanu meeshaa u joognay. Dhokumentigii u horreeyey waanu haynaa, markii horena boqolkiiba soddon ayuu ahaa, haddana waxaanu ku jirnaa oo aanu rajaynaynaa in saddexda bilood ee soo socda luuqadda Soomaaligu heer federaal looga aqoonsado luuqad shaqo, waxaanay ka mid tahay gorgortanka aanu la nimid si aanu arrimaha socda ee heer qaran uga qayb-qaadano, fikir ahaanna waa la qaataye hirgelintii ayuun baa hadhay. Markaa arrimo waaweyn oo laga yaabo in aanaan warbaahinta uga sheegin sidii loo baahnaa ayaa noo qabsoomay.”

Madaxweynuhu waxa uu xusay inay hagaageen arrimaha Soomaalinimada, dhaqanka iyo diinta, isla markaana xukuumaddiisu tahay rag aqoon leh oo bulshaduna u taqaano inay akhlaaq leeyihiin, ayna ka duwan yihiin maamulkii ka horreeyey ee dhiigyo cabka ahaa, waxaanu yidhi: “Waxa aan raacin lahaa; arrimaha Soomaalinimada, astaanta, dhaqanka iyo diinta, waxaan aaminsanahay inay wax badan inay hagaageen. Akhlaaqiyaadka iyo hoggaaminta maanta deegaanka ka jirta wuu ka duwan yahay kii ka horreeyey. Halkan (Golaha Kaabinet-ka) ragga fadhiya, wuu ka duwan yahay kii ka horreeyey. Laasim meelo badan oo galdaloollo ahi way jiraan laakiin ugu yaraan dhamaan ragga halkan fadhiyaa waa dad waxbartay, akhlaaq ahaanna bulshadu ay u taqaano dad wanaagsan inay yihiin si’ ka duwan tiimkii (Kooxdii) naga horreeyey oo badankoodu ahaa dad dhiigyo cab ah, dadka laaya, odayaasha dhirbaaxa. Isbeddel weyn ayaa xagga laga sameeyey ayaan odhan karaa.”

Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray, in ay sameeyeen waxyaabo dhaxal-gal ah oo jiilasha dambe u aayi doonaan, waxaanu yidhi: “Dhinaca kale, Soomaalinimada iyo astaamaheedii, waxyaabihii laga cabsanayey, in Somaliya iyo Djibouti iyo cid walba xidhiidh dhiig aan leenahay, taasina wax aan laga carari karaynin ay tahay. Inaan kaliya Soomaalida laga dhaadhicinin ee Dawladda dhexe laga aqbalo oo Ra’iisal wasaaruhu halkan yimaaddo oo uu yidhaahdo Soomaali Region baad tihiin, calanka astaaniisii lasoo celiyo. Waxyaabo kolay, jiilasha dambe aayo u noqon doona, laakiin hadda cunto la cuno aan ahayn oo qofkii rabaa uu dafikiri karo.”

“Inaan ka qayb-qaadanno doodaha siyaasadda dalka, xubin ka noqonno oo aanu qaabayno oo aanu fikir ku yeelano iyadana waanu ku guuleysanay.”ayuu raaciyey.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxa kale oo uu sheegay in muddo lix bilood oo kaliya ay u suurtogashay inay si wanaagsan u shaqeeyaan muddadii sannadka ahayd ee uu xilka hayey, waqtigaasna ay fuliyeen mashaariic aan muddo dheer la qabanin, kuwaas oo ay hadda diyaarinayaan inay bulshada usoo bandhigaan, waxaanu yidhi: “Waxa aanay dadku aad u ogeyn baa laga yaabaa arrimaha horumarka oo waqti qaatay inay hirgalaan. Lix bilood oo ka mid ah sannadkii aanu joognay waxba noomay socon. Bishii April ayay ahayd markii xisbiga la sameeyey, markaas kaddib ayay wax noo dhaqaaqeen. Muddadaas kaddib ayaanu dib isugu habaynay mashaariicdii sida qaldan loo bixiyey. Runtii waxaan odhan karnaa mashaariic shan sannadood aan la qaban ayaa sannadkan fulay, caddaymihii iyo dhokumentigeediina hadda ayaanu diyaarinaynaa oo way soo baxayaan.

Degmooyin aan labaatan illaa soddon mashruuc laga qaban ma jirto. Tayada, qaabka loo fulinayey iyo qaabka loo maamulayey waa su’aal kale, laakiin meel aan intaa laga fulinin ma jirto. Waxa ka mid ah Goday. Soddon sannadood lagama qabanin mashaariicda laga fuliyey lixdaa bilood. Toban kilo mitir oo waddo laami ah, ballaadhinta cusbitaalka, 48 guryo wadareedyo ah, mashaariicda dhagaxa copal stones-ka ah iyo biyo gelin afar boqol oo milyan oo magaalada oo dhan ah.”

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey, markii ugu horreysayna bulshada u soo bandhigay in qayb ka mid ah miisaaniyaddii sannadkii hore ay la baxsadeen xukuumaddii ka horreysay oo qaddin kusii bixisay lacago badan, waxaanu yidhi: “Xaqiiqadu waxay tahay, miisaanadiyaddii aanu ku shaqaynaynay sannadka, waxa aanu nimid iyadoo badh lala cararay. Cabital budget-ku lix-lix bilyan buu ahaa. Illaa 1.25 bilyan ayaa meel uu ka baxay aan la garanaynin, sababtoo ah August ayaanu nimid, Hamble iyo Nahaase wuu sii shaqaynayey system-ku (miisaaniyadda sannadka). Lacago badan oo qaddin lagu sii bixiyey baa jira oo mashaariic qaldan lagu bixiyey. Laakiin intii ka dambaysay waxbaanu ka qabanay, hanti-dhawrihiina wuu joogaa.”

Be the first to comment