Madaxweyne Mustafe Oo Laga Gudbiyey Dacwad Rasmi Ah Oo La Xidhiidha Maamul Xumo, Iska Hor-keenka Bulshada Deegaanka Iyo Eexasho

Addis Ababa (JO) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa laga gudbiyey dacwad rasmi ah oo ku saabsan maamul-xumada ragaadisay xukuumaddiisa iyo qaabka digtaatooriyadda ah ee uu ugu tumanayo sharciga deegaanka.

Madaxweynaha ayaa bishii ugu dambeeyey qaatay go’aamo khalkhal gelisay degennaanshaha iyo xasilloonida siyaasadeed ee deegaanka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa oo uu amray in sifooyin sharci-darro ah xabsiga loogu taxaabo iyagoon wareejinin xilalkii ay hayeen, sida hoggaankii hore ee Nabadgelyada deegaanka iyo Madaxii Baratakoolka Madaxtooyada oo ilaa hadda xidhan.

Sida ay muujiyeen dhokumentiyo lasoo bandhigay, in ka badan 16 xubnood oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga talada deegaanka hayay ee ku biiray Xisbiga Barwaaqada ayaa dacwad u gudbiyey xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, taas oo ay si cad ugu sharraxeen sida uu Mustafe ugu tumanayo sharciga ee uu u samaynayo tallaabooyin lagu sifayn karayo inay yihiin digtaatooriyad cusub oo uu kaga dayanayo Madaxweynihii uu xukunka ka beddelay ee Cabdi Ilay.

Waraaqaha dacwadda iyo cabashada iskugu jira ee xubnahani ka gudbiyeen Madaxweyne Mustafe oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Jigjiga Online, waxay ku xuseen in qol madow lala galay xulashada xubnaha 45-ka ah ee Deegaanka Soomaalidu ku yeelanayo Golaha Dhexe ee Xisbiga PP, isla markaana lasoo xulay shaqsiyaad uu isagu kalidii go’aankooda gaadhay oo aanu xattaa kala tashanin guddida fulinta ee XDS.

Dhinaca kale, waxa jira eedaymo sheegaya in Madaxweynuhu aanu go’aamada xulashada xubnaha u madax-bannaanayn oo si toos ah loogu yeedhinayey, isla markaana uu kaliya soo magacaabayay qofka lagu amro inuu liiska kusoo daro, kana reebayay kan laga diido.

Qofka uu sidan ugu hoggaansan yahay Madaxweyne Mustafe ayaa la sheegay inuu yahay Benalf oo ah Guddoomiyaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo, kaas oo kaliya aan ku koobnayn inuu Madaxweynaha u yeedhiyo xubnaha uu magacaabayo, laakiin go’aamo kale oo deegaanka Soomaalida dhexdeeda ah wax laga soo weydiiyo ka hor inta aan tallaabo la qaadin.

Geesta kale, odayaal dhaqameed kasoo jeeda Gobolka Shabeelle ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inuu eex iyo qaraabo kiil sameeyey, maamulkiisana uu hadheeyey musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin baahsan.

Odayaashan oo warbaahinta la hadlay Jimcihii ayaa sheegay in mashaariic dhawr ah oo xilligii xukuumaddii hore la hirgeliyey uu isagu sheegtay, isla markaana kuwii xilligiisa la dhagax-dhigay ay qabyo yihiin.

Halkan ka akhriso waraaqaha ay 16-ka xubnood ee laga reebay Guddida Fulintu gudbiyeen:

 

Be the first to comment