Madaxweyne Mustafe: “Malqaqa Waxay Astaan U Tahay Tacaddiyadii Foosha Xumaa Ee Shacabkayaga Loo Geystay”

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay xasuuqii ka dhacay deegaanka Goljanno, gaar ahaan Malqaqa halkaas oo laayey dad badan oo rayid ah.

Madaxweynaha oo safar ku maraya degmooyin ka tirsan gobolka Faafan ayaa la kulmay shacabka Malqaqa, kuwaas oo uga warramay dhibaatooyinkii faraha badnaa ee loo geystay oo ay ka mid ahaayeen dil, kufsi iyo tacaddiyo ka baxsan xuquuqda aadamaha.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyey shacabkii halkaas iskugu soo baxay ayaa waxa uu yidhi: “Musiibadii murugada lahayd ee halkan ka dhacday ee aad ka sheekayseen ee dadku ay wada ogyihiin, sidii hore loo sheegayna ay qaarkayo hadda ka horba ka hadli jireen, runtii aniguna waxaan ku faraxsanahay inaan joogo Malqaqa oo muddo badan aan wax ka qornay, qoraallo badan ka samaynay, shirar badan kaga doodnay, astaanna waxay u ahayd tacaddiyadii foosha xumaa ee shacabkayaga loo geysanayey, tacaddiyadaa dhacayna taariikhdeeda waad la socotaan.”

Madaxweyne Mustafe waxa uu sheegay in dhibaatooyinkii shacabka loo geystay ay masuuliyaddeed leeyihiin masuuliyiintii xukunka hayey oo si qaldan u adeegsaday ciidamada oo iyagaba dhibaato soo gaadhay oo doonayey inay faa’iido ka helaan dhiigga shacabkooda, waxaanu yidhi: “Adduunka oo dhan meel kasta oo cadaadis uu ka jiro, cid ciddaas la cadaadinayo ka mid ah oo cidda wax cadaadinaysa raacda oo u adeegta oo u shaqaysa oo shacabkooda ka fallaagoowda oo laysa meel kasta adduunka way ka helaan. Ingiriisku markii uu gumaysanayey India, dadka askarta u ahaa ee shacabkooda laynayey badankoodu Hindi bay ahaayeen. Taas macnaheedu maaha in ay khalad lahaayeen dhamaan dadkii askarta ahaa ee dagaallamayey, laakiin siyaasiyiintii baan ka hadlaynaa hadda ka horna waan sheegnay hoggaamintii siyaasiyiinta ee daba-dhillifka noqday ee shacabkooda laynayey ee dhiiggii shacabkooda ka taajirayey ee mansab iyo kursi ka raadsanayey ee manfac ka helayay taariikhdu kuway baal-madow ku qori doonto weeye, isku-dhicii halkan ka dhacayeyna wuxuu ahaa Soomaalidii ka faa’íidaysanayey ee isugu dhiibayey wiilasheenna.

Aroor kaliya ayaa halkan lagu laayey in ka badan 80 askarta dhallinyarada Liyuu Booliska, iyaga laftoodu waa wiilasheennii oo barnaamij khaldan markaa loo adeegsanayey, kuwaa aan idiin sheegayo ee calooshooda la ciyaarka ahaa ay u adeegsanayeen, barnaamij khaldanna ay u dhiibeen, kuwii laayeyna walaalahood oo si khaldan loo abaabulay ayey ahaayeen. Kolkii dambena labadoodaba cid aan ahayn oo shacab ah oo 83 qof ah ayaa halkan Malqaqa subax lagu xasuuqay. Waxay ka mid tahay meelaha xasuuqa ugu xanuunka badan leh uu ka dhacay deegaankeenna.”

Madaxweynuhu waxa uu ballan-qaaday in agoomihii ay ka tageen dadkii lagu xasuuqay halkaas in waxbarasho ay dawladdu siinayso, waxaanu yidhi: “Arrintaasi in aanay dib inoogu soo noqonin inaynu Illaahay ka barino oo ka ducaysano baa la rabaa, laakiin muhiimaddu waxa weeye hoggaamin dambe oo shacab ku tacadida oo dhibaatadaa geysata in aan la ogolaanin oo dhallinyarada, odayaasha iyo cid walibana ay ogaadaan inay awood u leeyihiin inay joojiyaan waxa noocaas ah haddii ay dulligan ka baxaan, haddii ay isku duubaadaan, haddii ay cod midaysan lagu hadlo, dulmi dambe oo noocan ahi ma dhici doono, markaa taana in aanay mar dambe dhacaynin inta ay xukuumaddani jirto waanu ballan-qaadaynaa, nabadgelyadaa iyo rayn-rayntaa maanta inoo soo korodhay ee annagu aanaan ku manno sheeganayn ee Illaahay inoo keenay iyo isbeddeladaa guud ee dhacay in Illaahay inoo sii wado, innaguna waxaynu u baahanahay in aynaan caasiyin nimcadaa uu ina siiyey. Isqabqabsiga qabiilka ee aan macnaha lahayn, is dilka, waxyaabaha foosha xun leh ee qabyaaladdu keenayso ee isku-dhacyada iyo is xinninta inaynu ka baxno oo horumar, waxbarasho iyo aqoon loo jeedsado ayaan ku dardaarmaynaa. Wixii ballan-qaad ahaa ee hore ee jirayna soo gudbiya, maamullada soo mariya waannu ka jawaabaynaaye. Darkana isku hal mar dadku ma wada geli karo; qof qandaraas ka hadlayaa jira, qof magacaabis ka hadlayaa jira, waxana isku hal mar lama xallin karo, laakiin kolba mid in la xalliyo diyaar baan u nahay, haddana siday u kala horreeyaan baahiyuhu wixii nala qumanaada waanu ka qabanaynaa. Waxaanu aad ugu dedaali doonaa in horta aanu agoontii dugsi gelino, hala soo diiwaangeliyo oo wasaaradda waxbarashada haloo keeno. Annaga ayaa ballan-qaadayna agoontii meeshan ku dhibaatootay iskuulaad ayaana la gelinayaa ama Malqaqa haku bartaan ama Jigjiga haku bartaan. Haddii agoon loo jeedo waxaba laga yaabaa in Jigjiga uga fiican tahay, ugana waxbarasho fiican tahay, markaa agoonta waxqabadkeeda iyo iskuulka boodhinka ah yaan laysku xidhin ee agoonta hala keeno, iskuulka boodhinka ahna sidaad u mudan tihiin waayo meeshani waa meel dad badan, waa dhul go’doon ahaa oo aanay in badan dawlanimo soo gaadhin, intaan ka fikirno annagoo degen meesha ku habboon, sababta ay ugu habboon tahay iyo xilliga la samaynayo anagaa soo go’aaminayna waananu idinla socodsiinaynaa.”