Madaxweyne Mustafe Iyo Weftigii Ugu Ballaadhnaa Ee DDS Ka Safra Oo Gaadhay Bahirdar, Qaabkii Loo Soo Dhaweeyey Iyo Muuqaalladii Telefishannadu Ka Baahiyeen

Bahirdar (Jigjigaonline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalo madaxda Dawladda Deegaanka Axmaarada ee Bahirdar.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiinta xukuumadiisa, odayaal dhaqameedka deegaanka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo ururada bulshada ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bahirdar, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey madaxweynaha dhawaanta xilka loo dhiibay ee Axmaarada iyo masuuliyiinta ugu sarraysa kililkaas.

Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah oo weftiga Madaxweyne Mustafe ay ku sugnaan doonaan Bahirdar ayaa waxay ka qayb-geli doonaan shir gaar ah oo labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Axmaarada ku dhex mari doona halkaas.

Weftiga Madaxweyne Mustafe ayaa inta ay joogaan Bahirdar waxay ka qayb-geli doonaan caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Axmaarada ee dhawaanta beddelay madaxweynihii hore ee la dilay iyo xafladda qalin-jabinta jaamacadda Bahirdar.

Golaha Baarlamaanka Deegaanka Axmaarada oo ay tiradoodu ka badan tahay 200 qof ayaa uu madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar la kulmi doonaa ka hor inta aanu usoo xadhko-dhinanin magaalada Jigjiga.

Telefishanka Dawladda Itoobiya iyo tv-ga Axmaarada ayaa si toos ah u tabinayey booqashada madaxweyne Mustafe iyo weftigiisa.