Madaxweyne Mustafe Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Gobolka Qarraxay

Qorraxay (Hawraarsannews) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa gaadhay magaalada shilaabo ee gobolka Qorraxay, halkaas oo uu u sii dhaafi doono goobo ka tirsan gobolka Shabeelle oo uu ku fatabay wabiga Shabeelle si uu u kormeero uguna kuur galo gurmadka loo fidinayo dadka ay saamayeen masiibooyinka fatahaadaasi.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ka hor intii aanay gaadhin magaalada Shilaabo oo ay kulamo kula qaateen cuqaasha, wax garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxa uu sii maray tuulooyinka Sanweyne iyo Qarsooni oo shacabka ku dhaqani goobagaasi si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo waftigiisa ba.

Madaxweynaha ayaa waxa uu dul istaagi doonaa tuulooyinka iyo magaalooyinka uu wabiga Shabeelle ku fatahay iyadoo uu sii dardar-gelin doono gurmadkii iyo kaalmaynta dadka dhibaatadu ka soo gaadhay oo horeba ay xukuumaddu gargaar u fidintooda ay ugu hawlanayeen.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxa la filayaa inay soo mari doonaan, qiimayna ku samayn doonaan meelo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelle, gaar ahaan deegaamada ku teedsan Wabiga.