Madaxweyne Mustafe Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Degmada Tulli-Guuleed

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Md. Mustafe Muxumed Cumar oo hoggaaminaya wefti ballaadhan ayaa saaka gaadhay degmada Tulli-Guuleed ee gobolka Faafan.

Weftiga Madaxweynaha oo iskugu jiray xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xisbiga iyo odayaasha dhaqanka ayaa waxa Tulli-Guuleed kusoo dhaweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka deegaanka la taagnaa waddada hareeraheeda.

Madaxweynaha ayaa gacanta u haadinayey dadka soodhaweyntiisa iskugu soo baxay oo ciyaaro dhaqameed iyo heeso ammaan ah ku qaabilay weftiga.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa waxay tahay inuu u kuur-galo xaaladda dhabta ah ee bulshada ku dhaqan deegaamadaas, waxaanu kormeer kusoo samaynayaa mashaariic horumarineed oo halkaas ka socda.

Madaxweynaha ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey waxa uu labadii toddobaad ee ugu dambeeyey safarro ku marayey meelo ka mid ah deegaanka, gaar ahaan gobolka Faafan oo uu indhihiisa kusoo arkay qaybo ka mid ah dadkii xasuusa iyo tacaddiyada ay u geysatay xukuumaddii Cabdi Iley, isagoo dul istaagay xabaalaha shacabkii maatada ahaa ee boqollaalka loo leynayey maalinta kaliya.