Madaxweyne Mustafe Cagjar Iyo Golihiisa Wasiirrada Oo Mushaharkooda Ugu Deeqay Barakacayaasha DDS

JigjigaOnline (Jigjiga) – Shir ballaadhan oo ay kasoo qayb-galeen madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, hay’adaha dawliga ah ee dalka, kuwa madaxa-bannaan, bangiyada iyo ganacsato oo qaadhaan loogu ururinayey barakacaayasha ku sugan gudaha deegaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Shirkan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Qaryan Dhoodaan, ayaa waxa hadal ka jeediyey Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxaana uu sheegay inay jiraan dad badan oo Barakokacayaal ah oo ku sugan deegaanka, kuwaas oo u baahan in gargaar loo fidiyo.

Madaxwaynaha oo saddex luuqadood kula hadlay dadkii madasha fadhiyey, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Ramadaan Kariim dhamaantiin. Xafladdan waxa loogu talo-galay inaan ku xasuusano dadka barakacayaasha ee deegaankeena oo aad u fara badan. Waxa kale oo aan rabnaa in taasi tusaale u noqoto isku-naxariisiga iyo is xasuusashada dadka Soomaalida.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in marar badan ay jiraan dadyow kale oo ay ku jiraan Cara boo waqtiyada Ramadaanta caawiya Baraka-kacayaasha, laakiin ay tahay in Soomaalidu ay is gacan qabtaan oo sida laysku dhaamo wax loo bixiiyo, waxaana uu halkaas ka sameeyey ballan-qaad madaxweynaha iyo masuuliyiinta uu magacaabay ay hal bil mushaharkeed ugu deeqayaan dadkaas, waxaanu yidhi: “Anagu xuukuumad ahaan, aniga laga bilaabo, golaha wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee aan magacaabay, waxaanu ku yaboohaynaa bil mushaharkeed.”

Madaxweyne Mustafe waxa kale oo uu ka codsaday ganacsatada iyo bangiyada waddanka ee munaasibaddaas joogay inay walaalahooda barakacayaasha ah caawiyaan, waxaanu yidhi: “Waxa kale oo aan ugu baaqayaa dadka kale ee madasha fadhiya ee ganacsatada, madaxda bangiyada inay iyaguna tamartooda dadkooda walaalaha ah caawiyaan.”

1 thought on “Madaxweyne Mustafe Cagjar Iyo Golihiisa Wasiirrada Oo Mushaharkooda Ugu Deeqay Barakacayaasha DDS

%d bloggers like this: