Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyey

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweyne ku-xigeenka DDS, Aadan Faarax ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii magaalada Qabribayax, waxaana uu u magacaabay masuul cusub.

Digreeto madaxweyne ku-xigeen oo kasoo baxday madaxtooyada DDS ayaa waxa guddoomiye cusub loogu magacaabay Degmada Qabribayax, hase yeeshee laguma sheegin digreetada in xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore.

Nugul ka mid ah digreetada oo soo gaadhay warbaahinta JigjigaOnline oo uu ku saxeexan yahay madaxweyne ku-xigeenka DDS Aadan Faarax ayaa waxa lagu sheegay in guddoomiyaha Qabribayax uu u magacaabay Cabdifataax Bashiir Sheekh, kaas oo shaqada ka beddelaya guddoomiyihii hore, Jacfar oo aan qoraalkan meelna kaga xusnayn.

Digreetada madaxweyne ku-xigeenka oo ogeysiin lagu siiyey madaxweynaha DDS, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa waxay u dhignayd sidan:

“Mudane C/fataax Bashiir Sheekh, waxaa lagula socodsiinayaa in laga bilaabo maanta 13/09/2011E.C laguu magacaabay Guddoomiye Degmada Qabribayax.”

 

 

Be the first to comment