Madaxweyne Ku-Xigeenka DDS Oo Qabtay Kulan Lagaga Dooday Shilalka Baabuurta Iyo Sidii Loo Xakamayn Lahaa

Jigjiga (Jigjigaonline) –  Kulankan oo uu hogaaminayay madaxweyne ku-xigeenka Dowlada Deegaanka Doomalida mudane Aadan Faarax ayaa waxa lagaga dooday shilalka baabuurta oo beryahan dambe kor usii kacayey.

Kulanjan waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta xafiiska maamulka dowlada deegaanka soomalida xafiisyada ay khusayso sida xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha dowlada deegaanka soomalida komishinka booliska dowlada deegaanka soomalida xafiska xeer ilaalinta guud iyo cadaalada dowlada deeganka soomlida.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyey sidii loo xakamaynalaa loogana hortagilahaa halista shilalka gaadiidka iyo waliba sidii loo xoojinlahaa taabagalinta sharciyada xakamayn kara gaadiidka tayadooda dirawalinta iyo waafajinta sharciga kuwa gala faldanbiyeedyo.

Kulankan ayaa si xoogan loogaga hadlay wada shaqaynta xafiisyadan sidii loo xoojinlaha layskuguna xidhnaanlaha.