Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Oo Ka Hadlay Tirada Barakacayaasha Ay Dibu-dejinta U Sameeyeen, La-dagaallanka Kootarabaanka Iyo Arrimo Kale

Jigjiga (JigjigaOnline) –  Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Deegaankaa Soomaalida, Aadan Faarax ayaa waraysi uu siiyey telefishanka ETV waxa uu kaga hadlay xaaladda barakacayaasha DDS ee kasoo qaxay colaadda xuduudka Oromada iyo Soomaalida.

Aadan Faarax waxa uu sheegay inay dib u dajiyeen barakacayaal tiradoodu tahay 287 kun qof oo dib ugu noqday meelihii ay markii hore kasoo qaxeen, waxaanu faahfaahiyey tallaabooyinka ay ka qaadeen ganacsiga sharci-darrada ah iyo joojinta mushaharooyin ay iska qaadan jireen masuuliyiin aan shaqooyinka tegi jirin.

Waraysigan oo ay soo turjuntay SDM, waxa uu madaxweyne ku-xigeenku ku yidhi sidan:

“Waxaan ku guulaysanay inaan dib udajin usamayno inkabadan 287,000 barakacayaal ah kuwaas oo aan kucelinay goobihii ay kasoo barakeceen, waxaana wadnaa qorshe aan intakale ee soo hadhayna dibudajinta rasmi ah ugu samaynayno anagoo kaduulayna nidaamka iyo shuruucda deegaanka& dalkana waxaan xaqiijinaynaa in barakacayaashu ay kunoolaadaan kaganacsadaan islamarkaana ay dhexmaraan goobtii ay doorbidaan ee dalka iyo deegaankaba kamid ah iyadoo amnigooda iyo noloshoodana ladamaanad qaadayo.
Waxaa dhacday in 2 gobol oo kaliya sifo sharcidaro ah dad loogu wareejiyay dhul beereed kabadan 126 hectares, halka gobolka kalana ay sidaasi silamida kadhacday, waxaana dhulkan lagu wareejiyay shaqsiyaad iyo shirkado aan lahayn awood dhaqaale iyo mid fulineed iyadoo loo cuskanayo maalgashi, hadaba waxaan kuwargalinay dadkaasi inay dhulka soo celiyaan waxaana kuguulaysanayn inaan dhulbadan kusoo celino gacanta dawlada si,aan bulshada ugaga faa,iidayno, waana siiwadaynaa arintan. Dhankakale waxaan xaqiijinaynaa tayada iyo adeega garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale ee adeeg bixinta.
Anagoo kaashanayna haayadaha heer federaal ee ay khusayso waxaan kuguulaysanay hoos udhigida ganacsiga xaaraanta ah, waxaan dib u adkaynay dhaq dhaqaaqa iyo lasocodka xuduudaha waxaana hoos udhignay ganacsiga sharcidarada ah balse wali maanaan gaadhin halkii aan rabnay.
Waxaan kuguulaysanay joojinta mushaharaadka masuuliyiin iyo shawaale kala duwan kuwaas oo iyaga oo aan joogin goobohoodii shaqo ama aan jirinba mushaharkoodu bixi jiray, waxaana kamida meelaha caqabadahaasi kajireen waaxda caafimaadka iyo waxbarashada, waana sii xoojin doonaa arintan.
Waxaan dhawaan dib uhabayn kusamaynay xeerka xisbiga Dimuqraadiga soomaalida (XDS) kaasoo aan ufurnay qofkasta oo muwaadin itoobiyaan ah Islamarkaana degan deegaanka soomaalida, yaqaana dhaqanka iyo afka deegaanka soomaalida, aaminsan oo kuqanacsan xeerka iyo shuruucda xisbiga islamarkaana ah qof ixtiraamaya dastuurka deegaanka iyo dalka, arintan waxaan uga gonleenahay in kor loo qaado kaqaybgalka Dimuqraadiyada deegaanka iyo dalka waxaana rajaynaynaa inay tusaale wanaagsan noqoto. Ayuu yidhi H.E Aaden Faarax.
9kii bilood ee lasoo dhaafay waxaan bilownay mashaariic waawayn waxaana shaqo abuur usamaynay dhalinyaro gaadhaysa 26kun kuwaas oo qaybo kaladuwan aan fursado shaqo uga abuurnay, waxaana dib udhisnay maamulka geer deegaan ilaa heer degmo, waxaana dib uhabaynay haayadaha amaanka sida ciidanka gaarka ah oo aan saxnay khaladaadkii hore.”