Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Dhoofay Muqdisho, Dalka Uu Ku Sii Jeedo Iyo Madaxweynaha Uu La Kulmi Doono

Muqdisho (JigjigaOnline) – Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ka dhoofay madaarka Aden Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ku maqnaan doonaa safar qaadan doona maalmo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kusii jeeda waddanka Ruushka oo uu kaga qayb-geli doono shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, sida ay ku warrantay wakaaladda Wararka Somaliya ee SONNA.

Shirka Iskaashiga ee Ruushka iyo Afrika, waxa ka qayb-geli doona hoggaamiyeyaal Afrikaan, waxaana lagaga wada hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin xoojinta dhaqaalaha, la-dagaallanka argagixisada iyo kuwo kale.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu halkaas ka jeediyo hadal ku qottoma dibu-dhiska Somaliya iyo dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.

Be the first to comment