Madaxweyne Aqoon Iyo Waayo-Aragnimo Leh Oo Dawladnimada Wax Ka Yaqaanna Ayuu Deegaanka U Baahan Yahay!

"Waxaan aaminsanahay inn aan dhisano dawlad, xisbi iyo nidaam u adeega shacabka xaqoodana usoo rida oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan"

Jigjiga (JO) – Innagu filan, umana baahnin tijaabo cusub. Labada sannadood ee madaxa ugu sarreeya ee deegaanka aynu sida tijaabada ah ugu dhiibnay shaqsi shaqada uu khibradda u lahaa ahayd warbixin la qoro iyo inuu uu raaco dariiq loo jeexay oo aanu ka leexan karaynin, waxay inoo muujinaysaa in aanu ahayn midkii ku habboonaa ee umadda hoggaamin lahaa.

Shacabka Deegaanka Soomaalida oo muddo siddeed sannadood ah oo uu Cabdi Ilay joogay lagu maamulay caqli aan habboonayn iyo aqoon-darro, isla markaana lagala dagaallamay aqoontii, kartidii iyo dadnimadii, waxay filayeen inay ka bixi doonaan dhibaatooyinkaas markii ay xukuumadda Mustafe dhalatay, balse waxa caddaatay in aanay lahayn tamartii iyo kartidii ay shacabka dhibaatada uga saari lahayd.

Marka la eego maamul-xumada, musuqa, jaho-wareerka siyaasadeed, isku-dhacyada beelaha, ku-tumashada sharciga iyo cabudhinta dib u bilaabantay ee ay ku sifowday xukuumada ahy shacabku ku tilmaamaan fadhiidka ee Mustafe Cumar (Cagjar), waxaa loo baahan yahay in la qaato doorkii lagaga gudbi lahaa ee loo samayn lahaa isbeddel muuqda oo dhinac walba leh, isla markaana looga feejignaan lahaa masuuliyiintii hore loogu hungoobay oo kale ee af-miishaarnimada iyo fadhi ku diririnimadu ahayd xirfada kali ah ee ay leeyihiin.

Siyaasiyiinta haldoorka ah ee ay shacabku soo xulan karaan waxa ka mid ah Cabdifataax Macallin Maxmuud oo ah aqoonyahan, bulshadana sumcad fiican ku dhax leh, dawladnimadana wax ka yaqaan sidoo kalena meeqaan sare ka soo gaadhay siyaasadda Deegaanka illaa heer Madaxweyne ku-xigeen, wasiirka madaxtooyada, wasiirka caafimaadka iyo masuuliyada kale, isla markaana halgan badan iyo dhibaato ba usoo maray in isbeddelku hirgalo, isagoo hoggaaminayay kacdoonkii Cabdi Iley ka dhanka ahaa ee markii dambe ku caan baxay SSI ee ka soo horjeedsaday tacaddiyadii iyo dhibkii uu shacabka ku hayay.

Markii ay dadka kale bannaanka uga yaaceen dalka, qaarkoodna dib ugu soo hoos noqdeen Cabdi Ilay, waxa uu Cabdifataax Macallin diiday inuu dalka dibeda uga baxo isaga oo naftiisa, wakhtigiisa iyo dhaqaalihiisa ba u huray, khatarna u geliyey inuu gudaha dalka kaga dhiidhiyo gabbood-falladii iyo fool-xumooyinkii shacabka lagu hayey. Xilligii ugu xumayd, waxa isaga oo Madaxweyne ku-xigeen ah, sidoo kalena Xafiisyo kale madax ka ah uu go’aansaday inuu ka dagaallamo gudaha maamulka isaga oo aan bannaanka u bixin si aan cidlo looga helin, waxaana dhaqdhaqaaqii iyo tallooyinkii uu hormoodka ka ahaa ka dheregsan guud ahaan bulshada.

Wakhti dhawaan uu wareysi xog isweydaarsi ah la yeeshay bahda JO, waxa uu Cabdifataax Macallin wax nooga taab-taabtay waxa bulshada deegaanku u baahan tahay haatan isla markaana aanay xukuumadda jirtaayi hayn jihadeedii.

Qodabadda uu Cabdifatax wax nooga taabtay iyo waxa uu aaminsan yahay in xalka ummadeenu yahay maanta ayaa waxaa ka mida:

  1. ‘In uu aaminsanyahay in la mideeyo Shacabka Soomaaliyeed la isuna soo dhaweeyo afkaarta siyaasadeed ee kala duwan iyadoo waxa seeska looga dhigayaayi uu yahay waxa bulshadeenu ay ka mideysantahay ee dal, dad iyo duunyi leh si loo samato bixin karo ummadani colaado iyo dib-udhac ragaadsaday’.
  2. ‘In la xoojiyo dimuqraadiyada iyo xoriyatulqawlka si loo gaadho sinaanta iyo cadaaladana dadkeeno u baahanyahay, oo aan diidno mar dambe in inta la ina qaybiyo la ina bahdilo( no more divide and rule)’.
  3. Aan soo ceshano doorkii waxgaradkeena,Indheer-garadkeena,Aqoonyahankeena iyo damiirkii cuqaasha iyo duublaydeena ee la inagala dagaalamay lana baabiyay.
  4. ‘In aan soo dhacsano doorkii iyo mansabkii aan hadaan Soomali nahay aan xaqa ugu lahayn dalkani Itoobiya inagoo hal mid ah oo hadana Qowmiyad Soomaliyeed ah’.
  5. ‘In aan ka faa’iidaysano is-badalka dalka ka hanaqaaday, aragtida iyo wacyiga sare u kacay ee dadkeena, midnimada dhibku inagu qasbay ee aan dulmiga ku diidanay hada ka hor isla markaana aan xoojino, kana faa’iidaysano bilowgan fiican iyo dareenkan midaysan ee la haansho ugu hanan lahay sinaan iyo cadaalad aynaan waligeen hibo yeelan’.
  6. ‘In aan dhisano dawlad, xisbi iyo nidaam u adeega shacabka xaqoodana usoo rida oo cadaalad iyo sinaan ku dhisan islamarkaana ka madaxbanaan qabyaalad, eex, danaysi iyo nin jeclaysi ba’.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada bulshada ee uu haysto ee dhawaan shacabku siyaabo kala duwan u muujiyeen kadib markii ay soo if baxday in maamulka fadhiidka ah ee hadda jira ee madaxweyne Mustafe horjoogaha ka yahay ay yihiin kuwo salka ku haya xaqiiqooyin la taaban karo oo sees u noqonaya haddii ay shacabka tooda noqoto inay xushaan shaqsiga iyaga hogaamin lahaa.

Anaga ka tifaftirayaasha bahada JO, waxaan qabnaa in run ahaantii kaga gami’i lahayeen toosinta hanaanka dawladnimo ee burburay iyo yagleelida hanaankii adeeg bulsho ee meesha ka baxay muddaba, iyo sidoo kale la dagaallanka musuqa ee masuuliyiinta maanta deegaanka ugu sarraysaayi ku hawlan yihiin boob iyo hanti urursi mid lammida baaxadiisu aan hore deegaanka usoo marin.

Be the first to comment